Thursday, April 24, 2025
HomeWarka GudahaMareykanku Maxaaney Awood ugu Lahayn iney Al-Shabaab Kaga Adkaato Soomaaliya.?

Mareykanku Maxaaney Awood ugu Lahayn iney Al-Shabaab Kaga Adkaato Soomaaliya.?[MAQAAL]

Qoraa lagu magacaabo Axmed Ibraahim ayaa qoray maqaal ku qoran luuqadda Engiriiska, kaasoo uu ciwaan uga dhigay “ Maxaanay Dowladda Maraykanka awood ugu lahayn iney Al-Shabaab kaga adkaato Soomaaliya”.

Maqaalkan oo lagu daabacay website lagu magacaabo Responsible Statecraft ayuu baarahan ka faallooda arimaha qaaradda Afrika, wuxuu ku tilmaamay in 20-kii sano ee lasoo dhaafay, dowladda Maraykanka ay ku lug leedahay duullaanka Soomaaliya, sidaasoo ay tahayna ay awoodi la’dahay iney awood milliteri ku maquuniso Xarakada Mujaahidiinta Al-Shabaab.

Horudhaca maqaalkiisa wuxuu kusoo qaatay, warbixin uu dhawaan daabacay wargeyska Newyork Times, taasoo uu ku sheegay in maamulka cusub ee Trump ay ka doodayaan xiritaanka safaaradda Maraykanka ee Muqdisho, sababo ku aadan kororka weerarada ka imaanaya Xarakada Mujaahidiinta Al-Shabaab, ee beegsanaya xeyndaabka xerada aadka loo ilaaliyo ee Xalane.

Axmed Ibraahim ayaa tilmaamaya in xusuusta wixii ka dhacay sanadkii 2021-ka dalka Afqaanistaan ay weli la noolyihiin masuuliyiinta Ameerikaanka ah, taasina ay keeneyso in laga fakaro waxa ka dhici karo Soomaaliya haddii uu xaalku sidan kusii socdo.

“ Waxaa jira sababo loo qaateen ah oo keenaya in la isweydiiyo sababta ay dowladda Maraykanka u awoodi la’dahay iney jabiso Xarakada Al-Shabaab, xilli wax kudhow 20 sano uu Maraykanku qeyb ka yahay howlgalka milliteri ee Soomaaliya, inkastoo kaalinta Maraykanka ee dalkan aanu gaarsiineyn kii Afqaanistaan oo kale” ayuu leeyahay qoraaga maqaalka Axmed Ibraahim.

“ Inta badan waxaa lasoo celceliyaa la wareegitaankii Taliban ee xukunka Afqaanistaan sanadkii 2021-ka, iyo suurtogalnimada in wax lamid ah ay ka dhacaan Soomaaliya, qiyaaskan iyo isbar-bardhigan ayaana sii xoogeystay mudooyinkii u dambeeyay oo ay Al-Shabaab dib ula wareegtay deegaanno horey looga qabsaday” ayuu leeyahay qoraaga maqaalkan ciwaankiisu yahay “ Maxaanay Dowladda Maraykanka awood ugu lahayn iney Al-Shabaab kaga adkaato Soomaaliya”.

Sida uu tilmaamayo qoraaga maqaalka, dowladda Maraykanka waxay aad isaga ilaalisay in ciidamo aad u farabadan oo Ameerikaan ah keento Soomaaliya, laakiin taas bedelkeeda waxay tababaro iyo taakulaba la garab istaagtay ciidamada Shisheeyaha ee ka socda wadamada Afrika, iyadoo dhanka kale dhistay ciidamo kumaandoos Soomaali ah, kuwaasoo tiradoodu u dhexeysay 3000 illaa 5000 oo askari.

“ Laakiin waqti xaadirkan, Maraykanku wuxuu hoos u dhigay taageerada maaliyadeed ee uu ku bixinayay howlgalka Midowga Afrika ee AUSSOM, kaasoo dhawaan la hirgeliyay” ayuu leeyahay Axmed Ibraahim qoraaga maqaalkan.

Marka laga yimaado Maraykanka, wuxuu qoraagu tilmaamayaa in Turkiga uu yahay dalka aadka u taageera Dowladda Federaalka, waayadii u dambeysana Xasan Sheekh Maxamuud ayaa labo jeer u safray Ankara.

Mar uu ka hadlayay tallaabooyinka ay suurogalka tahay iney qaado dowladda Maraykanka ayuu sheegay iney labo arin hortaallo, waa mida koowaade iney Muqdisho ka saarto diblumaasiyiinteeda, taasina wuxuu tilmaamay iney horseedi karto burburka Dowladda Federaalka.

Tallaabada labaad waa iney kordhiso weerarada duqeymaha ah ee ay ku beegsaneyso Xarakada Mujaahidiinta Al-Shabaab, wuxuuse qoraagu tilmaamay in duqeymaha dronesta wax guul ah lagu xaqiijin waayay 15-kii sano ee lasoo dhaafeyna, Al-Shabaab ay weli sameynayaan horumar muuqda.

Axmed Ibraahim ayaa tilmaamaya in dowladaha Reergalbeedka ay ku guuldareysteen iney dhisaan, dowlad awood leh oo ka hanaqaada magaalada Muqdisho, taas bedelkeedana Dowladda Federaalka ay tahay dowlad taagdaran, musuq maasuq hareeyay, kuna tiirsan taageerada iyo taakulada dibadda.

Taas bedelkeeda Xarakada Mujaahidiinta Al-Shabaab ayuu sheegay iney ku xidideystay bulshada Soomaaliyeed, fariinteedana ay tahay mid ay la dhacsanyihiin dad badan oo Soomaali ah.

“Al-Shabaab waxay sheegayaan iney kasoo horjeedaan wujuudka Shisheeye ee Soomaaliya, tanina waa farriin ay la dhacsanyihiin dadka Soomaalida, Al-Shabaab waxay xooga saareysaa wacyigelitna, iyadoo adeegsaneysa gabayada dhaqanka ee Soomaalida” ayuu yiri Axmed Ibraahim.

Qoraagan lagu magacaabo Dr Axmed Ibrahim, waxna ka qora arimaha Islaamka ee Afrika ayaa ku biiraya, warbixinno iyo maqaalaat ay waayadii u dambeysya daabacayeen warbaahinta reer galbeedka iyo kuwa gobolka, kuwaasoo isku raacay suurtogalnimada in waqti aan dheereyn uu isbedel xoogan ka dhaco Soomaaliya, magaalada Muqdishana la wareegto Xarakada Mujaahidiinta Al-Shabaab.

Halkan ka Degso Maqaalka.

 

RELATED ARTICLES

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

Most Popular

Recent Comments

Xaatim mukhtar faarx on HAMBALYO: RAMADAAN MUBAARAK.