Howlgal qorsheysan oo ay ciidamada Xarakada Mujaahidiinta Al-Shabaab ka fuliyeen wadada xiriirisa degmooyinka Wallanweyn iyo Afgooye ee gobalka Sh-hoose ayay kusoo qabteen, sarkaal katirsan Dowladda Fedaraalka.
Sarkaalka oo lagu magacaabo Saneey Barre, ayaa waxa uu masuul u ahaa ciidamo goob isbaaro ah joogay, waxa uuna sidoo kale qeyb ka ahaa askartii sanad kahor ku duushay deegaanno katirsan Sh-dhexe.
Sarkaalkaan ayaa qirtay in 48-saac ee u dambeysay gaadiidka safarka ah ka dhaceen lacag dhan 15-kun oo doolarka Mareykanka ah, ayna mudadaas kufsadeen 11 haween ah oo kamid ah haweenka Muslimaadka ah ee ay gaadiidka kala dageen.