Xogo dheeraad ah ayaa laga helayaa weerar kamiin ah oo ay ciidamada Xarakada Mujaahidiinta Al-Shabaab la beegsadeen, Kolonyo katirsan ciidanka Kenya oo ku socdaalayay gobalka Mandheera ee dhulka NFD.
Weerarka kamiin ah ayaa waxa uu askarta Kenya ku qabsaday duleedka deegaanka War-gaduudo ee hoostaga degmada Ceelqaalow oo katirsan gobalka Mandheera ee ku hoos jira gumeysiga dowladda Kenya.
Ugu yaraan 3 askari oo katirsan ciidanka Kenya ayaa lagu dilay weerarkaan, halka lagu dhaawacay 2 kale, waxaana intaa dheer oo ay ciidamada Xarakada Mujaahidiinta weerarka ku gubeen gaari Kooyal ah oo kamid ahaa kolonyada la beegsaday.