Hoos udhacaan ayaa laga dareemayaa Suuqyada lagu iibiyo Khudaarta nuucyadeeda kala duwan ee ku yaalla magaalada Baladweyne ee xarunta gobalka Hiiraan.
Tani ayaa timid kadib markii gaadiidkii dhoofin jiray Khudaarta ay joojiyaan socdaalkooda, sababo ku aaddan wadooyinkii ay mari jireen oo go’ay kadib roobab halkaasi ka da’ay.
Mid kamid ah ganacstada iibisa Khudaarta ayaa ka waramay hoos udhaca ku yimid qiimaha lakala siisto Khudaarta ee magaaladaas.
Geesta kale bulshada ku dhaqan magaalada Baladweyne ayaa waxa ay dhankooda soo dhaweeyeen hoos udhaca ku yimid Khudaarta.