Maalintii shalay ciidamada Dowladda Fedaraalka ee ku sugan gobalka Galgaduud ayaa waxa ay si bareer ah rasaas ugu fureen, gaari nuuca loo yaqaanno Leyla-Calaawi oo mararay koontarool ay ku sugnaayeen askartaas.
Ciidanka ayaa waxa ay gaariga ku rasaaseeyeen deegaanka Bangeelle ee gobalka Galgaduud, waxa ayna taasi sababtay dhimashada mid kamid ah rakaabkii saarnaa gaariga.
Magaalada Muqdisho ayuu kasoo ambabaxay gaarigaan, waxaana askarta ay si bareer ah ugu fureen rasaasta xilli uu marayay koontaroolka deegaanka Bangeelle ee gobalka Galgaduud.