Mid kamid ah siyaasiyiinta ugu caansan ee mucaaradka dalka Uganda oo dhawaan lagu afduubtay gudaha Kenya, ayaa waxa ay xukuumadda Nairobi ugacan galisay Dowladda Uganda.
Haweeneyda siyaasigaan ayaa shaaca ka qaaday, in ninkeeda la afduubtay iyadoo lagu guda jiray xaflad lagu soo bandhigayay buugaag oo ka dhaceysay dalka Kenya, intaas kadibna loosoo soo wareejiyay Uganda uuna hadda ku jiro xabsi millatari oo ku yaalla magaalada Kampala.
Siyaasigaan oo lagu magacaabo Kizza Besigye ayaa waxa uu muddo 4 goor ah doorashooyin kula tartamay madaxweynaha Uganda Yoweri Museveni, balse dhammaantood waa uu ku guul darreystay, isagoona tibaaxay in la masuqmaasuqay doorashooyinka lana argagax galiyay codbixiyayaasha.
Muddo dhowr iyo toban jeer ah ayay dowladda Uganda waxa ay xabsiga dhigtay siyaasigaan mucaaradka ah, Afhayeenka Boliska ee xukuumadda Kampala oo wax laga weydiiyay arrintaan ayaana ka gaabsan inuu wax faahfaahin ah ka bixiyo, isagoo tilmaamay in ka Bolis ahaan aysan iyagu gacanta ku heynin hogaamiyahaan mucaaradka ah.
Dowladda Kenya ayaa bishii July ee lasoo dhaafay waxa ay xirtay 36 ruux oo kamid ahaa xisbiga dimuquraadiga ah ee la magac baxay Isbadal-doonka oo kamid ah axsaabta mucaaradka ee ka dhisan dalka Uganda, kaas oo uu hogaamiye ka yahay siyaaasiga mucaaradka ah ee hadda xabsiga ku jira, waxaaana dhammaan ay dowladda Kenya dadkaasi ugacan gailsay Uganda, iyadoona ku eedeeysay waxa ay ugu yeertay “Argagixisanimo”.
Haweeneyda siyaasigaan ayaa waxa ay sheegtay in ninkeeda oo ahaan jiray dhakharka gaarka ah ee Museveni xilligiii jabhadeynta, gadaal dambena isku bedelay qof aad u mucaarada siyaasaadka madaaxweynaha, la dafay maalinkii Sabtida.
Haweeneydan oo u shaqeysa xafiiska Qaramada Midoobay ee qaabilsan cudurka Aidiska ayaa tilmaamtay, in ninkeeda lagu hayo xabsi ku yaala saldhig milliteri oo ku yaala magaalada Kampla, waxayna codstay in loo ogolaado aragtida ninkeeda, iyadoo isweydiisay waxa keenaya in saldhig milltieri lagu xiro, maadaama aanu askari ahayn.
Dowladda Uganda ee uu hogaamiyo Museveni ayaa lagu eedeeyaa iney ku kacdo tacadiyaad ka dhan ah siyaasiyiinta mucaaradka, waana eedeymo ay si adag isaga beenisay xukuumadda Kampla.