Dalalka saaxilka Afrika ayaa maalmihii u dambeeyay marti galiyay malaaxim culus, waxaana ka dhacay dagaallo xooggan oo ay qaadeen ciidamada mujaahidiinta ee Jamacada Nusratul Islaami Wal-Musliin oo lagu jabiyay askarta dawladahaas, iyagoo sidoo kale maxaabiis nool kusoo qabtay dagaaladaas.
Tiro ka tirsan ciidamada dawladda Burkiina Faaso ayaa Arbacadii ina dhaaftay lagu dilay weerar abaabulan oo ay fuliyeen mujaahidiinta Jamacada Nusratul Islaam Wal-Muslimiin, waxaana sidoo kale dagaalkaas lagusoo furtay saanad ciidan oo ay lahaayeen ciidamadii lagala wareegay saldhigyadii la weeraray, sida ay baahisay mu’assasada Az-Zalaaqah.
Dagaalkan ayaa ka dhacay xero ciidan oo ku taalla tuulada Saduuqawii ee ka tirsan gobalka Kuulbiiluquu, waxayna mujaahidiintu ku la wareegeen hubka noocayadiisa kala duwan sida hoobiyaha, qoryaha darandooriga u dhaca iyo in kabadan 100 qori oo nooca AK-47 ah, iyadoo intaas lagu darayo gawaari dagaal oo ay kamid yihiin 5 mooto oo nooca laba lugooda ah.
Isla dalka Burkiina Faaso ciidamada mujaahidiinta ee Jamacada Nusratul Islaam Wal-Musliin ayaa weerar xooggan ku qaaday saldhig ay askarta dalkaas ku lahaayeen deegaanka Balaanaqaa ee dhaca gobalka Fandargooma. Hawlagalkan ayay mujaahidiintu ku dileen illaa 4 askari oo ka tirsanaa ciidamada dalkaas, waxayna kusoo furteen hubkii ay wateen ciidamada la dilay.
Waxay sidoo kale mujaahidiintu weerar qorshaysan oo ay ku qaadeen ciidamada dalkaas – ee ku sugnaa gobalka Kuulbiiluquu – ku soo qabteen askari maxbuus ah, kaas oo qayb ka ahaa guluf ay askarta dalkaasi kusoo qaadeen dhulka shareecada lagu maamulo ee ay gacanta ku hayaan mujaahidiinta Jamacada Nusratul Islaam Wal-Muslimiin.
Isbuucyadii lasoo dhaafay wadamada saaxilka Afrika gaar ahaan dalka Burkiina Faaso ayaa hoy u noqday weerarro laayaan ah oo lagu boqno gooyay askar badan oo ka tirsanaa ciidamada dalkaas, waxaana u dambeeyay hawlgal ka dhacay xarun ciidan oo ku taalla magaalada Karaa ee dhacda gobalka Banquura, halkaas oo lagu dilay illaa 3 askari oo ka tirsanaa militariga dawladda Burkiina Faaso.