Markii Siciid oo ahaa askari ka tirsanaa ciidanka qaranka ee Yaman uu ka baxay magaalada Ma’rib iyo deegaankii uu askariga ka ahaa uuna u jihaystay dalka Ruushka, ma uusan wadanin waxaan ka ahayn boorsa yar, isagoona rajaynaya nolol wanaagsan iyo mushahar wayn oo joogta ah, balse hal marna maankiisa kuma soo dhicin inuu dhex muquuran doona dagaal uusan wax shaqo ah ku lahayn, taas beddelkeeda Siciid waxa uu isku arkay jiidaha hore ee ay isku hor fadhiyaan ciidamada Ruushka iyo Yukrayn, isaga oo xiran dirayska ciidanka Ruushka, una dagaallamaya waddan uusan waligiis dhulkiisa cagta soo dhigin marka laga reebo dhawr toddobaad oo laga jooga imaan shihiisa.
Siciid ma ahayn keligiis, balse muddooyinkii danbe waxa la arkayay Tobanaan ama Boqolaal Yamaniyiin ah oo kusii qulqulaya goobaha dagaalka ee Ruushka, kuwaas oo ay ka mid ahaayeen askar iyo injineero gaar ah oo ka tirsanaa ciidamada Yaman ee xiriirka la leh dowladda uu caalamka aqoonsan yahay, taas oo dagaal kula jirto xoogagga Xuutiyiinta tan iyo 2015-kii.
Askartaani qaarkood waxaa ay dhibane u noqdeen inay tijaabiyaan ballanqaadyo maaliyadeed oo afka baarkiisa ahaa, halka qaar kalena ay ku kadsoomeen ballanqaad shaqo iyo mustaqbal xasilloon, halkii ay ku noolaan lahaayeen oo ka shaqeyn lahaayeen waddan ay halakeeyeen dagaallada waa Yamanee, halkaas oo aan lahayn mushaar joogto ah iyo mustaqbal ifaya, taas oo dadkaas qaarkood ku kaliftay in soo jeedinta inay ka barbar dagaalamaan ciidamada Ruushka ay u arkeen ikhtiyaar aysan diidi karin.
Hadaba yaa waaya dunta isku xiraysa shabkadaan shaqaalaysiinta ee fududaysay in askarta Yaman laga soo wareejiyo goobaha dagaalka ee dalkaas oo loo gudbiyo saaxaadka ay isku farasaarayaan Ruushka iyo Yukrayn? waxaa arimahaani baaritaan qaatay bilo in la dhammaystiro ku sameeyay warbaahinta Al-jaziira, iyadoo daaha ka qaaday cidda qaadanayso dowrka dhexdhexaadinta ee arinkaas.
Marka la eego duruufaha ku xeeran qoritaanka muwaadiniinta Yaman iyo askarta iyo u dirkooda si ay uga qaybqaataan dagaalka Ruushka iyo Yukrayn, Cali Attaam, oo ah madaxa urur sheegta inuu u dhaqdhaqaaqa Xuquuqda Aadanaha ayaa sheegay, in askartan la qorayo lagu riixo furimaha dagaalka si qasab ah, iyadoo aan la helin dammaanad qaad sharci ah ama ilaalin caalami ah, iyagoo uban baxo khataro ay kamid yihiin in la dilo, la qabto, ama loo geysto tacadiyo ka baxsan bini’aadantinimada, taas oo ay kala kulmi karaan dhinacyada kala duwan ee dirirtu dhexmarayso, oo ay ku jiraan dhinacyadii askarayay.
Cali ayaa ku nuuxnuuxsaday in askarayntaan aan la oran karin waa mid ikhtiyaar ah, maadaama inta badan dadka loo diro halkaas ay la kulmaan xaalado dhaqaale iyo kuwo bini’aadanimo oo aad uxun. Waxa uu intaasi ku daray, in meelaha ay ka mid tahay Ma’rib ay askartu ka cawdaan dib u dhac ama hoos u dhac ku yimid mushaaraadkii ay qaadan jireen, taasoo keenta in qaar badan oo ka mid ah ay raadiyaan ilo kale oo dhaqaale, xitaa haddii ay ku kalifti inay dhex dabaashaan colaado dibadda ah oo aysan wax xiriir ah la lahayn, iyagoo ku sirmo ballan qaadayo lacageed ama jagooyin ciidan.