Sunday, April 27, 2025
HomeAll NewsXasan Sheekh Maxamuud: Al-Shabaab Lix Jeer ayay Isku dayen Iney I Dilaan.

Xasan Sheekh Maxamuud: Al-Shabaab Lix Jeer ayay Isku dayen Iney I Dilaan.[WARBIXIN]

Madaxweynaha Dowladda Federaalka Xasan Sheekh Maxamuud ayaa muujiyay xaaladda amni ee uu wajahayo, isagoo tilmaamay in Xarakada Mujaahidiinta Al-Shabaab tan iyo markii uu noqday madaxweynaha Dowladda Federaalka labada mudo xil, ay soo qaadey isku dayo dhowr ah oo ay ku dooneysay iney ku disho.

Isagoo gudaha madaxtooyada wareysi ku siinayay wariye lagu magacaabo David Okwemba, ayuu madaxweynaha Dowladda Federaalka Xasan Sheekh Maxamuud sheegay, inuu wajahyo isku dayo joogta ah oo ka imaanaya dhinaca Xarakada Mujaahidiinta Al-Shabaab, taasoo dooneysa iney disho isaga, sida uu shaaca ka qaaday Xasan Sheekh Maxamuud.

Mar uu ka jawaabayay su’aal laga weydiiyay weerarkii cuslaa ee bishii March lala eegtay kolonyo uu la socday Xasan Sheekh Maxamuud, kaasoo ay masuuliyadiisu sheegatay Xarakada Mujaahidiinta Al-Shabaab, ayuu tilmaamay Madaxweynaha Dowladda Federaalka in tan iyo markii uu noqday madaxweynaha Dowladda Federaalka uu la kulmayo isku dayo dhowr ah oo lagu dili rabay.

“ Tan iyo sanadkii 2014-ka, markii ugu horeysay ee la ii doorto madaxweynaha Dowladda Federaalka, waxay Al-Shabaab sameeyeen isku dayo lix ah oo ay ku doonayeen iney igu dilaan, isku daygii koowaad wuxuu dhacay xitaa anigoo aan u guurin Villa Somalia, iney I dilaan waa mid kamid ah ahdaafta waaweyn ee ay hiigsanayaan” ayuu yiri Xasan Sheekh Maxamuud, madaxweynaha Dowladda Federaalka.

Mar uu ka hadlayay weerarkii ugu dambeeyay ee ay kusoo qaaday Xarakada Mujaahidiinta Al-Shabaab, ayuu sheegay Xasan Sheekh Maxamuud inuu kusii jeeday furimahah ore ee dagaalka, halkaas oo uu doonayay inuu kula kulmo ciidamada Dowladda Federaalka.

“ Isku deygooda wuxuu ahaa iney iga joojiyaan inaan aado furimaha oo aan la kulmo ciidamada Dowladda Federaalka, laakiin kuma guuleysan” ayuu sii raaciyay hadalkiisa madaxweynaha Dowladda Federaalka.

Dowladda Federaalka ayaa wajaheysa xaalad cakiran oo dhanka amniga ah, xilli ay sii kordhayaan weerarada ay fulineyso Xarakada Mujaahidiinta Al-Shabaab. Marka laga yimaado weerarada tooska ah ee ay ciidamada Xarakada Mujaahidiinta Al-Shabaab ku qaadayaan xeryaha ciidamada Dowladda Federaalka, waxaa jira dagaal kale oo adag oo ka socda gudaha magaalada Muqdisho, kaasoo xoogiisa ay qaadayaan ciidamada qarsoon ee Xarakada Mujaahidiinta Al-Shabaab looguna yeero Amniyaatka.

Sida marar badan ay Xarakada Mujaahidiinta Al-Shabaab ku sheegtay war saxaafadeedyo ay soo saartay, waxay si gaar ah u beegsaneysaa xubanaha sare ee Dowladda Federaalka oo uu ugu horeeyo Xasan Sheekh Maxamuud, taasina waa mida keentay walaaca uu xilligani dareemayo Xasan Sheekh Maxamuud, heer uu qarsan waayay taxaddiga amniga iyo halista ay noloshiisu ay ku hayaan ciidamada Xarakada Mujaahidiinta Al-Shabaab.

Halkaan ka Degso Warbixinta

RELATED ARTICLES

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

Most Popular

Recent Comments

Xaatim mukhtar faarx on HAMBALYO: RAMADAAN MUBAARAK.