Monday, April 28, 2025
HomeAll NewsXukuumadda Xamse Cabdi Barre oo Isku-Shaandheyn ku Sameysay Golaha Wasiirada.

Xukuumadda Xamse Cabdi Barre oo Isku-Shaandheyn ku Sameysay Golaha Wasiirada.

Xukuumadda Fedaraalka ee uu hogaamiyo Xamse Cabdi Barre ayaa shalay isku shaandheyn ku sameysay qaar kamid ah wasiiradda Dowladda Fedaraalka, iyagoo xilalkii ay horay u ahayeen laga qaaday loona magacaabay kuwo cusub.

Illaa labo wasaaradood iyo xafiiska ra’iisulwasaare ku xigeenka labaad ee xukumaadda Fedaraalka, ayey saameysay magacaabistan iyo xilka qaadista, waxaana jagooyinkii loo kala bedelay xubnihii mas’uuliyiinta ka ahaa wasaaradahan iyo xafiiska ra’iisulwasaare ku xigeenka labaad.

Afhayeenka Ra’uusulwasaaraaha Dowladda Fedaraalka Farxaan Jimcaale ayaa ku dhawaaqay arrintan, wuxuuna sheegay magacyada xubnaha cusub ee xilalka loo magacaabay.

Xasan Sheekh oo ah Madaxweynaha Dowladda Fedaraalka ayaa amar ku siiyay Xamse Cabdi Barre inuu qaado tallaabadan, waxayna dadka xog ogaalka ah ee katirsan xukuumadda fadhigeedu yahay Muqdisho sheegayaan, in xilka qaadistan ay uhorseedeyso dhibaato iyo dib udhac, sida ay hadalkooda udhigayaan.

Halkan ka Degso Codka Afhayeenka.

RELATED ARTICLES

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

Most Popular

Recent Comments

Xaatim mukhtar faarx on HAMBALYO: RAMADAAN MUBAARAK.