Wararka ka imaanaya dalka Mozambique ayaa ku waramaya, in magaalo katirsan dalkaasi laga helay meydka nin Soomaali ah.
Cabdifataax Sayid Axmed ayaa lagu magacaabaa ninka meydkiisa la helay, waxaana ay wararku sheegayaan in la dilay. Waxa uu kamid ahaa dhlinyarada Soomaaliyeed ee ku nool dalka Mozambique sidoo kalana ganacsiga ku leh halkaas, isagoona ahaan jiray Imaam Masjid.
Sababta ka dambeysa dilkiisa ayaan la ogeyn illaa iyo hadda, waxaana meydkiisa la wareegay ciidamada Boliska, sida uu sheegayo mid kamid ah Soomaalida ku nool dalka Mozambique.