Weerar gaari jiirsiin ah oo ka dhacay dalka Kanada ayaa sababay dhimashada ku dhawaad 10 qof, kuwaas oo ku sugnaa goob ay ka dhacaysay xaflad ay iskugu imaadeen jaaliyadda Filibiiniyaanka ee ku nool dalkaas.
Hawlgalkan ayaa ka dhacay magaalada Faankuufar ee dhacda galbeedka dalka Kenada, waxaana ku dhintay illaa 9 qof oo kamid ahaa dadkii ku sugnaa goobta ay xafladu ka dhacaysay, sida ay sheegeen laamaha Booliiska ee dalkaas, iyaga oo intaas ku daray inay gacanta ku dhigeen ruux looga shaki sanyahay inuu ka dambeeyay falkan.
Weerarada noocan oo kale ah ayaa mudooyinkii dambe kusoo badanaya dalalka reer galbeedka, waxaana inta badan lagu beegsadaa goobaha isku imaatinada ah, halkaas oo ay ku dhintaan kuna dhaawacmaan tobanaan qof.