Monday, April 28, 2025
HomeAll NewsMadaafiic Lagu Garaacay Xalane & Weerar Khasaare Geystay oo ka Dhacay Duleedka...

Madaafiic Lagu Garaacay Xalane & Weerar Khasaare Geystay oo ka Dhacay Duleedka Jowhar

Ciidamada Xarakada Mujaahidiinta Al-Shabaab ayaa waxa ay aroornimadii hore ee maanta weerar madaafiic ah ku garaaceen, xerada Xalane oo ah taliska ugu weyn ee ay Shihseeyuhu ku leeyihiin Soomaaliya.

Tiro madaafiic ah ayaa la xaqiijiyay iney gudaha ugaleen xerada Xalane, illaa iyo haddana ma aanan helin tafaasiil dheeraad ah oo ku aaddan khasaaraha ka dhashay weerarkaas.

Geesta kale ciidamada Xarakada Mujaahidiinta Al-Shabaab ayaa waxa ay saakay weerar ka fuliyeen, degaan dhaca duleedka magaalada Jowhar oo ah xarunta gobalka Sh-dhexe.

Weerarka ayaa waxa uu si gaar ah kaga dhacay deegaanka Geed-Caglow oo 8-KM ujira magaalada Jowhar, waxaana ka dhashay khasaare nafeed.

Askari katirsan Dowladda Fedaraalka ayaa lagu dilay weerarkaan, kaas oo kamid ahaa ciidankii weerarka lala beegsaday, waxaana intaa dheer oo ay ciidamada Xarakada Mujaahidiinta Al-Shabaab weerarka kusoo furteen Qori, Boosh iyo Mooto-Bajaaj.

RELATED ARTICLES

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

Most Popular

Recent Comments

Xaatim mukhtar faarx on HAMBALYO: RAMADAAN MUBAARAK.