Ciidamada Xarakada Mujaahidiinta Al-Shabaab ayaa waxa ay maanta fuliyeen, weeraro kala duwan oo isugu jira kuwa qorsheysan qarax iyo mid toos ah, kuwaas oo lala beegsaday askarta Xabashida Itoobiya iyo kuwa Dowladda Fedaraalka.
Gobalka Gedo, waxay ciidamada Xarakada Mujaahidiinta Al-Shabaab maanta degmo katirsan gobalkaas ka fuliyeen, howlgal qorsheysan oo ay ku beegsadeen askar katirsan Dowladda Fedaraalka.
Howlgalka ayaa waxa uu si gaar ah kaga dhacay degmada Baladxaawo ee gobalka Gedo, waxaana lagu khaarajiyay askari lagu magacaabo Indhabuur Axmed Diiriye.
Sidoo kale waxay ciidamada Xarakada Mujaahidiinta Al-Shabaab weerar ku qaadeen, xero ay askarta Xabashida Itoobiya ku leeyihiin degmo katirsan gobalka Baay.
Weerarka ayaa lagu qaaday xerada ciidanka Xabashida Itoobiya ay ku leeyihiin degmada Diinsoor ee gobalka Baay, illaa iyo haddanana ma aanan helin tafaasiil ku aaddan khasaaraha uu geystay weerarka.
Ugu dambeynna saraakiil iyo askar katirsan maamulka la baxay Koonfur-galbeed ayaa qarax lagula beegsaday, gudaha deegaanka Yeed ee gobalka Bakool.