Ra’iisul wasaaraha Yahuudda Binyamiin Natanyaahu ayaa mar kale ku celiyay baaqiisii ahaa, in gebi ahaanba la burburiyo kaabayaasha Nukliyeerka ee Iiraan, xilli Washitoon iyo Tehraan ay yeelanayaan wadahadallo lagu gaarayo heshiis ku aadan Nukliyeer-ka.
Natanyahu ayaana war saxaafadeed uu soo saaray fiidnimadii Axadda ku yiri, “Halka heshiiska ah ee wanaagsan waa midka meesha ka saarayo dhammaan kaabayaasha iyo dhismaha Nukliyeerka ee Iiraan,” sida ay sheegtay wakaaladda wararka ee Roytaris.
Netanyahu iyo mas’uuliyiinta kale oo ka tirsan kayaanka Yahuudda ayaa muddo dheer ballan qaaday inay ka hortagayaan in Iiraan ay samaysato hubka Nukliyeerka, gaar ahaan kadib markii ay sannadkii hore labada dhinac is-weydaarsadeen weerarro dhanka cirka ah.
Hadalka Ra’iisul wasaaraha Yahuudda ayaa imaanaya, hal maalin kadib markii la soo gabagabeeyay wareegii saddexaad ee wada xaajoodka u dhaxeeya Washitooon iyo Tehraan, kaasoo ay martigelisay caasimadda Cumaan ee Masqadh.