Sakariye Xaaji Cabdi oo ah Xildhibaan hore oo katirsan Dowladda Fedaraalka, ayaa wareysi lala yeeshay kaga hadlay shirkii dhawaan Xasan Sheekh uu uga qeybgalay Kampala iyo heshiiskii dhawaan qodobadiisa la shaaciyay ee ay Dowladda Fedaraalku la gashay xukuumadda Ankara, wuxuuna ku tilmaamay is dhiibis dalka la dhiibay.
Shirkii dhawaan ka dhacay Kampala ayuu sheegay in Xasan Sheekh loo sheegay inuu labo bilood kadib yimaado Uganda, si looga hadlo khilaafka Dowladda Fedaraalka kala dhaxeeya dadka mucaaradka ku ah oo ay ugu horreeyaan maamulka goboleeyada ay shisheeyuhu ka dhiseen dalka.