Tuesday, April 29, 2025
HomeAll NewsMareykanka oo Duqeeyay Xabsi ay Tahriibayaal Afrikaan ah ku Jireen oo ku...

Mareykanka oo Duqeeyay Xabsi ay Tahriibayaal Afrikaan ah ku Jireen oo ku Yaalla Yeman.

Kooxda Xuutiyiinta ee dalka Yemen ayaa maanta ku dhawaaqday in Maraykanku uu beegsaday xabsi ku yaalla dalkaas, halkaas oo ay ku xirnaayeen ku dhawaad 100 qof oo tahriibayaal Afrikaan ah, iyadoo ay dhimasho iyo dhaawac ku noqdeen tiro aad u badan oo kamid ahaa dadka xabsiga ku xirnaa.

TV-ga Al-Masirah ee ku hadla afka kooxda Xuutiyiinta ayaa war uu kasoo xigtay laamaha caafimaadka ee dalkaas, wuxuu ku sheegay in weerarkan uu sababay dhaawaca in kabadan 50 qof, kuwaas oo la gaarsiiyay xarumaha caafimaadka, kanaalka ayaa intaas ku daray in weerarkan ay ku dhinteen tobanaan tahriibayaal ah, kuwaas oo aan xog rasmi ah laga hayn inta ay tiradoodu gaarayso.

Dhanka kale, diyaaradaha dawladda Maraykanka ayaa duqaymo ay ka fuliyeen dalkaas, ku dilay dad shacab ah oo u badnaa dumar iyo caruur, halkaas oo ay ku dhinteen ku dhawaad 10 qof, iyadoo uu Maraykanku sheegtay inuu hoos u dhigay weeraradii ay kooxda Xuutiyiintu la beegsanayeen maraakiibta Washitoon ee ku sugan badda Cas.

War- rasmi ah oo kasoo baxay Xuutiyiinta ayaa lagu sheegay in 8 qof oo rayid ah oo ay ku jiraan caruur iyo haween ay ku dhinteen duqeymo dhanka cirka ah oo ay diyaaradaha dagaalka ee dawladda Mareykanku ay ka fuliyeen deegaanka Thaqban ee waqooyiga magaalada Sanca.

Duqaymahan oo ahaa kuwo xiriir ah ayay kooxdu sheegtay, in sidoo kale lala beegsaday magaalooyinka Sacda iyo Camraan, halkaas oo ay dhimasho iyo dhaawac ku noqdeen dad aan tiradooda la shaacin, weeraradan ayaa burbur xooggan u gaystay xaafado ay dagan yihiin dad shacab ah.

Hawlgaladan ayaa kusoo beegmaya iyadoo taliska dhexe ee Maraykanka uu war kasoo saaray weerarada uu ka gaysanayo dhulka ay kooxda Xuutiyiintu ka maamusho dalka Yaman, isaga oo sheegay in ay beegsadeen in ka badan 800 oo goobood, ayna dileen boqolaal dagaalyahan oo ka tirsan kooxda tan iyo markii uu billowday howlgalka ay ugu magac dareen Reedh Riidha bartamaha bishii Maarso ee ina dhaaftay.

RELATED ARTICLES

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

Most Popular

Recent Comments

Xaatim mukhtar faarx on HAMBALYO: RAMADAAN MUBAARAK.