Monday, April 28, 2025
HomeAll NewsIn ka Badan 40 Ruux oo ku Shahiiday Duqeymo ay Yahuuddu ka...

In ka Badan 40 Ruux oo ku Shahiiday Duqeymo ay Yahuuddu ka Fulisay Qazza.

Gumaystaha xaaqidka ah ee Yahuudda ayaa halkiisa kasii wada duullanka iyo isir sifayn uu ka wado marinka Qazza, waxa uuna madaafiic iyo duqeymo dhanka cirka ah ka fuliyay waqooyi illaa koonfurta xayndaabka, isagoo isla mar ahaantaana soo rogtay go’doomin adag oo uu ku gaajaysiiyo shacabka ku nool halkaas.

Wararka maanta inaga soo gaaraya marinka ayaa ku waramaya, in Toddobo qof oo rayid ah ay ku shahiideen, halka tiro kalena la’yahay, kadib markii diyaaradaha cadawga ee Yahuudda ay duqeeyeen guri ku yaalla waqooyi-galbeed ee magaalada Qaaza.

Sidoo kale, Todobo qof ayaa ku shahiiday kuwa kalana waa ay ku dhaawacmeen duqeymo ay diyaaraha gumaystaha ka fuliyeen xerada Jabaaliya ee waqooyiga Marinka Qaaza.

Dhanka Koonfurta Marinka Qazza, waxaa lagu soo waramayaa, in ciidamada Yahuudda ay madaafiic xooggan ku garaaceen magaalada Khaan Yunis, lamana oga khasaaraha rasmiga ah ee ka dhashay duqeymaas.

Balse wariye ku sugan marinka Qazza ayaa ku waramay, in muddo laba saacadood gudahood ah ay ugu yaraan 15 qof oo shacab ku shahiideen gamagaalooyinka Jabaliya, Qazza iyo Khaan Yuunis, iyodoo qaar kalena la la’yahay, taasoo ka dhalatay duqeymaha aan loo meeldayaynin ee ay Yahuudda ku garaacayso magaalooyinkaas.

Dadka ku shahiiday Marinka Gaza tan iyo saqdii dhexe ee xalay oo kaliya ayaana gaaraya 17 qof. Halka tirada dadka ku shahiiday marinka Qazza tan iyo waabirigii shalay oo Axad ahayd ay gaartay 53 qof, sida ay ilooyin dhanka caafimaadka ah u sheegeen warbaahinta Al-Jaziira,.

Xaaladdan oo kale, Xafiiska Warbaahinta ee maamulka Marinka Qazza ayaa tilmaamay, in inka badan boqolkiiba 65 dadka uu xasuuqay gumaystaha Yahuudda ay ahaayeen carruur, haween iyo waayeello.

Dukumentiyo kasoo baxay hay’adaha dawliga ah iyo kuwa aan dawliga ahayn iyo ururrada caalamiga ah iyo markhaatiyada Yahuudda, ayaana daaha ka qaaday, in gumeystaha Yahuudda uu si ula kac ah oo sabab la’aan ah uu u bartilmaameedsado dadka rayidka ah, isaga oo aan kala soocaynin carruurta, haweenka, waayeelka, dhakhaatiirta, saxafiyiinta iyo shaqaalaha caafimaadka, sida uu sheegaya Xafiiska Warbaahinta ee maamulka Marinka Qazza. Waana arin gabi ahaanba meesha ka saarayso sheegashooyinka hal kama jiraanka ah ee Yahuudda, taas oo ah inay dagaalka ugu soo laabateen inay ciribtiraan muqaawamada Falastiin.

RELATED ARTICLES

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

Most Popular

Recent Comments

Xaatim mukhtar faarx on HAMBALYO: RAMADAAN MUBAARAK.