Suuqa macaadinta istiraatijiga ah ee caalamiga ayaa labanlaabmay xajmigiisa dhowrkii sano ee la soo dhaafay, isagoo gaaray 320 Bilyan oo Doollar sanadkii 2022-kii, iyadoo baahida la filayo inay laba jibaaranto 2030-ka ee soo socota, kadibna ay sii afar jibaaranto 2050-ka.
Macaadanta istiraatiijiga ah ama muhiimka ah ayaa lagu qeexaa inay yihiin koox kheyraad ah oo lagama maarmaan u ah tamarta, isbeddelka dhijitaalka ah iyo amniga dowladda. Muhiimaddooduna waxaa lagu qiimeeyaa iyadoo lagu salaynayo dabeecadda lagama maarmaanka u ah warshadaha ay istiraatijiyad ahaan u tixgelinayso dowlad kasta, oo ay ku jiraan difaaca, elektiroonigga, dabaysha iyo koronta qorraxda, warshadaha baabuurta iyo kuwa kale.
Afrika ayaa haysataa ku dhawaad boqolkiiba 30 kaydadka macaadinta muhiimka ah ee dunida, iyadoo Jamhuuriyadda Dimuqraadiga ah ee Koongo oo keliya laga helaya ku dhawaad boqolkiiba 47 kaydadka macdanta Kuubaaltiga ee adduunka iyo boqolkiiba 15 kaydka canaasiirta dhulka naadirka ah.
Halka dalka Koonfur Afrikana uu haysata boqolkiiba 80 macdanta Kuruum ee adduunka, boqolkiiba 85 macdanta manganiiska, iyo boqolkiiba 80 oo ah macdanta Balaatiinka, oo ay weheliyaan dowlaha Ghaaboon iyo Zimbaabwi, marka lagu daro macdanta kale sida Liiithiyoom, Naxaasta iyo Gharaafiit oo laga kala helo dalal ay ka mid yihiin Madagaskar, Zambiya iyo Tanzaniya.
Tirakoobyadani waxay sharraxayaan sababta ay Afrika kaalinta saddexaad ugu gashay maalgashiga macdanta ee caalamiga ah kadib Laatiin Ameerika iyo Kanada, inkastoo ay aad u yar tahay miisaaniyadda sahaminta iyo maalgashiga cusub. Afrika ayaana heshay ku dhawaad boqolkiiba 13.9 wadarta maalgashiga ajanabi ee ku aaddan macdanta intii u dhaxaysay 2018-kii illaa 2022-kii, isu geeynta maalgashigaas ayaana gaaray 77 Bilyan oo Doollar, iyadooo 4.7 Bilyan oo kamida loo qoondeeyay sahaminta iyo qodista macaadinta, taas oo u dhiganta saddex-meelood meel lacagaha loo qoondeeyay macdanta marka la jooga Laatiin Ameerika.
Tirooyinka kore waxay muujinayaan in Afrika aysan ahayn meel si gaar ah usoo jiidata soo saarista macdanta muhiimka ah, laakiinse dardargelinta tamarta, isbeddelka dhijitaalka ah iyo baahida adduunka ee macdanta muhiimka ah ayaa si weyn u korortay, Afrikana waxay rajaynaysaa inay ka faa’iidaysato kobcintan si kor ugu qaado dawrkeeda ku aadan caalamka.