Dagaalladan oo dhacay saacadihii lasoo dhaafay islaamarkaana udhaxeeyay ciidanka Yahuudda iyo kuwa ururka isku magacaabay Xisbullaah, ayaa waxaa kayaanka Sahyuuniga ah lagu gaarsiiyay khasaare dhimasho iyo dhaawac isugu jira.
Dagaalladu waxay ka holcayaan dhowr magaalo kamid ah kuwii ay ciidanka Yahuudda duulaanka ku tageen ee wadanka Lubnaan, wuxuuna ururka Shiiciga ee isugu yeera Xisbullaah sheegay, inuu gentaallo la beegsaday goob ay isku aruursadeen askarta yahuudda oo ku taalla magaalada Al-Khiyaam ee dhacda Koonfurta Lubnaan.
Il-wareedyo dhanka Yahuudda ah ayaa daaha karogay, in dagaalladii dhacay saacadihii udambeeyay lagu dilay 4 askari oo Yahuud ah, halka ciidanka Yahuuddu ay qirteen in laga dilay 1 askari oo kaliya, 10 kalena laga dhaawacay.
Dhinaca kale, duqeymaha ay fulinayaan diyaaradaha dagaalka ee Yahuudda, ayaa wali kasocda magaalada wadankaasi.
Maanta oo ugu dambeysay, waxay duqeymo ka dhaceen magaalada Beyruut ee caasimaddda dalka Lubnaan, si gaar ah waxay Yahuudda uduqeeyeen mandiqadda loo yaqaan Ad-Daaciya Al-Januubiya.
Halkan loo yaqaan Xaarata-Xariik ee ku taalla mandiqadda aan soo sheegnay, ayey yahuuddu 3 dhisame oo ku yaal duqeymo la beegsadeen.
Sido kale duqeymo ay Yahuuuddu ka fuliyeen magaalooyin dhaca Koonfurta Lubnaan, ayey ku dileen 10 ruux oo ay ku jiraan 3 katirsan gar gaarka deg dega ah, halka 68 kale ay dhaawacmeen, sida ay ku shaacisay wasaaradda Caafimaadka ee Lubnaan, tiro koobkii ugu horreyay oo ay ka sameysay duqeymahan.