Wararka ka imaanaya boqortooyada Sucuudiga ayaa ku waramaya in dalkaas uu ku geeriyooday caalim daaci ahaa, kaas oo aad looga yaqaanay gudaha dalkaas. Sheekh Qassim Qathradi ayaa ku dhintay xabsiga Mabaaxith ee ku yaalla koonfurta magaalada Abha.
Sheekhan ayaa ahaa bare jaamacadeed oo wax ka dhigi jiray jaamacadda Boqor Khalid ee magaalada Abha, isla markaana madax ka ahaa Jimciyadda Xifdinta Qur’aanka Kariimka ee Taraatiil, shiikhan ayay maamulka Aalu-Sucuud xabsiga dhigeen sanadkii 2021-kii, iyadoo lagusoo oogay dambiyo lala xiriirinayo Sheekh Cawad Al-Qarni oo isna ku xiran xabsiyada dalkaas.
Xariga Sheekh Qaasim ayaa salka ku haya olole lagu bartilmaameedsanayo culumida iyo aqoonyahanada magaalada Abha. Waxaana lagu xukumay xabsi 8 sano ah, isaga oo codsaday in damiin lagu sii daayo inta uga hartay mudada xabsiga, maadaama uu ahaa qof da ah, balse garsoorayaasha maxkamaha Sacuudiga ayaa codsigaas ku gacan sayray.
Waxaa xusid mudan in xabsiyada Sacuudiga ay sanadadii u dambeeyay ku dhinteen tobanaan kamida culimada iyo wax garadka bulshada, waxaana dadka ku dhintay xabisiyadan ugu caansanaa daacigii caanka ahaa ee Sheekh Musa Al-Qarni.
Maamulka boqortooyada Sucuudiga ayaa xabsiga u taxaabay boqolaal kamida culumada dalkaas, iyaga oo ku eedaynaya inay kasoo hor jeesteen nidaamka boqortooyada, kaddib markii ay ka hor yimaadeen fisqiga iyo fasahaadka kusii baahaya dalka, kaas oo uu hormuud ka yahay dhaxal sugaha boqortooyada Maxamed Ibnu Salmaan.