Wednesday, April 30, 2025
HomeAll NewsXiriirka u Dhaxeeya Dowladda Fedaraalka iyo Masar oo Xumaaday.

Xiriirka u Dhaxeeya Dowladda Fedaraalka iyo Masar oo Xumaaday.[DHAGEYSO]

Waxaa soo ifbaxay khilaaf udhaxeeya Dowladda Fedaraalka iyo tan Masar ee uu hogaamiyo C/Fataax As-Siisi, kaasoo in muddo ah laga qarinayay warbaahinta.

Warbaahinta Al-Carabi Al-Jadiid ee fadhigeedu yahay wadanka Ingiriiska, aadna wax uga qorta arrimaha Masar, ayaa shaacisay in hakad uu ku yimid dhaqan gelinta heshiis millateri oo udhaxeeyay Dowladda Fedaraalka iyo xukuumadda Al-Qaahira, kadib markii xiriirkoodu xumaaday.

Xasan Sheekh ayaa heshiisyo la galay dowladda Itoobiya oo Masar oo khilaaf xooggan kala dhaxeeyo, iyadoo uu qorshaha labada dowladood uyiilay ahaa iney xukuumadda Adis Ababa meel uga soo wada jeestaan faragelinta ay ku hayso labada dal, hase ahaatee uu ka baxay madaxweynaha Dowladda Fedaraalka, waxayna isbedelkan Masar ku tilmaamtay mid lama filaan ah.

Halkaan ka Degso Warka Khilaafka

RELATED ARTICLES

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

Most Popular

Recent Comments

Xaatim mukhtar faarx on HAMBALYO: RAMADAAN MUBAARAK.