
Mid kamid ah shacab Balcad oo warbaahinta la hadlay isagoo ay dad kale wehliyaan, ayaa sheegay iney magaaladaasi uga soo tageen hanjabaad ay kala kulmeen Qaasim Furdug oo ah Gudoomiyaha degmada Balcad ee maamulka la baxay Hirshabeelle, waxayna sheegeen iney ku sugan meel tuulo ah.
Dhibaatooyin kala duwan oo uu gudoomiyahan ku hayo dadka degmada ayey ka hadleen, waxayan xuseen in dad ay ku jiraan odayaal dhaqan iyo haween uxiran yihiin Qaasim Furdug, dadkana lagu xiro guri ku dhex yaalla Warshadda dharka ee ku taalla Balcad.