Xildhibaannadaan oo markale shir ku yeeshay magaalada Muqdisho ayaa waxa ay kasoo horjeesteen, tallaabo uu qaaday Aadan Madoobe oo uu ku sheegay inuu kaga noqday go’aan uu horay uqaatay.
Warqad kasoo baxday xafiiska Aadan Madoobe ayaa lagu sheegay inuu ka noqday, xil ka qaadis uu ku sameeyay mid kamid ah xildhibaannada, arrintaas oo ay xildhibaannada mucaaradka ku sifeeyeen mid marin habaabin ah.
Kulanka ay yeesheen ayay kasoo saareen warsaxaafadeed, waxaana warqadda kasoo baxday Aadan Madoobe ay ku sifeeyeen iney tahay mid aan laheyn wax hab raac ah, ayna wali ku taagan yihiin mooshinkii ay xilka kaga qaadi lahaayeen gudoomiyaha Baarlamaanka.