Gumaystaha Yahuudda ayaa subaxnimadii hore ee maanta dhowr weerar oo dhanka cirah ah ku qaaday deegaanno kala duwan oo ka tirsan Marinka go’doonsan ee Qazza, isagoo si gaar ah u beegsay guryo iyo teendhooyin ay ku noolyihiin dad barakacayaal ah.
Halka dadka ku nool marinka Qazza ay qarka u saran yihiin inay si jamaaci ah ugu geeriyoodaan gaajo darteed, iyadoo ciidamada cadawga Yahuudda ay tan iyo bilowgii Maarso sii wadaan ka hortagga saadka iyo cunnadii aasaasiga ahayd ee soo gali lahayd xaydaabka go’doonsa ee Qazza.
Waxaana lasoo warinayaa, in saacadhihii hore ee maanta oo kaliya ay marinka Qazza ku shahiideen dad gaarayo 16 qof, kuwaas oo 12 ka mid ah ay ku shahiideen bartamaha marinka Qazza, sida ay kusoo warameen goobjoogayaal halkaasi ku sugan
Taas oo tirada guud ee dadka ku shahiiday marinka Qazza 24-kii saac ee la soo dhaafay ka dhigaysa dad kor u dhaafaya illaa 50 qof, kuwaas oo ku baxay gacanta maamulka xaaqidka ah ee Yahuudda, kaas oo duqeymo cashwaa’i ah iyo umulo doox ka wado marinka Qazza tan iyo markii uu ka baxay hashiiskii uu la galay muuqaawamada Falastiin.
Waxaa intaasi dheer macluusha baahsan ee kusii fidayso Marinka Qazza, taasoo keentay in 2.4 Milyan oo qof oo ku nool Marinka ay halis ugu jiraan macaluul, oo ay ku jiraan in ka badan hal milyan oo carruur ah oo da’ kasta leh, kuwaas oo la ildaran gaajo maalinle ah.
Ku dhawaad 65 Kun oo qof ayaana lasoo sheegayaa inay lasoo deristay nafaqo darro aad u daran, kuwaas oo loo wareejiyay isbitaallada iyo xarumaha caafimaadka ee ka haray duqeymaha gumaystaha, halka lagu soo waramayaa, in tan iyo Jimcihii lasoo dhaafay ay Marinka Qazza gaajo darteed ugu geeriyoodeen illaa 50 carruur ah, waxaana ugu dambeeyay cunug yar oo saacadihii lasoo dhaafay ku geeriyooday Isbitaalka Al-Aqsa ee Dayrul-Balax.
Geesta kale, 20 qof oo Yahuud ah ayaa ku dhaawacantay isbuurasha fiidnimadii Talaadada ka dhacday magaalada Talaabiib ee uu caasimadda ka dhigtay maamulka Yahuudda.
Waxaana lagu soo waramayaa, in kumannaan shacabka Yahuudda ah oo u dabaal-dagayay mid kamida ciidahooda badalki ah, uu soo gaaray khabar sheegaya in goobta xafladda ay ka socoto toogasha.
Halka Booliiska Yahuudda ay sheegeen, in fadaarahaasi uusan ka dhicin wax amni darro ah aysana jirin rasaas ka dhacday goobtaas. Taas oo muujinaysa cabsida iyo argagaxa ay ku noolyihiin Yahuudda xoogga loogu deegaameeyay dhulka Falastiin
Wargeyska Yasraa’iil Huyuum ee wax ku qora Cibraaniga ayaana tibaaxay, in argagax uu ka dhacay fagaaraha ay xafladdu ka dhacaysay, kadib markii xog sheegaysa inay rasaas dhecayso lagu dhex faafiyey dadkii goobta ku sugnaa, taasoo keentay in dad badani ka baxaan goobta, is buurashana ay ka dhacdo, ayna ku dhaawacmaan tiradii an kor kusoo xusnay.