Diyaaradaha aan duuliyaha lahayn ee Ruushka ayaa weerarro ku qaaday magaalooyinka Kharkiif iyo Diniboor ee dalka Yukrayn gelinkii dambe ee shalay Talaadadii, halkaas oo ay ku dileen kuna dhaawaceen ku dhawaad 40 qof oo ay ku jiraan laba carruur ah, sida ay saraakiisha dalkaas u sheegeen warbaahinta.
Ciidamada Ruushka ayaa sidoo kale weerarro culus ka gaystay tuulada Doroshifka ee ku taalla dalkaas, taas oo waqooyi bari kaga beegan gobolka Kharkiif. Guddoomiyaha gobolka Sumi ayaa warbaahinta u sheegay in ciidamada Ruushku ay isku dayo xoog ku gal ah ka sameeyeen gobol dhaca waqooyi-bari Yukrayn, kaas oo xuduud la leh gobalka Kurusk ee Ruushka.
Saraakiisha Yukrayn ayaa sidoo kale amar ku bixiyay, in 7 tuulo oo ku yaalla bariga gobalka Dinibroo-betrofisk ay dadka shacabka ah ee dagan ka fogaadaan jiidaha hore ee dagaalka, iyadoo ciidamada Ruushku ay aad ugusoo dhawaadeen tuulooyinkaas.
Dhanka kale, diyaaradaha aan duuliyaha lahayn ee darooniska ee laga leeyahay dalka Yukrayn, ayaa weerarro duqaymo ah ku beegsaday baabuur maraysay waddo wayn oo ku taalla gobolka Belgorood oo xuduud la leh Yukrayn, halkaas oo ay ku dhinteen laba qof, saddex kalena ay ku dhaawacmeen, sida uu sheegay guddoomiyaha gobalkaas.
Isla maalinimadaas, wasaaradda difaaca ee Ruushka ayaa sheegtay in nidaamyada difaaca ee dalkaas ay burburiyeen 91 diyaaradood oo nooca aan duuliyaha lahayn ahaa, kuwaas oo lagasoo tuuray dhanka Yukrayn, iyadoo 40 ka mid ah lagusoo riday xadka gobolka Kurusk uu la wadaago Yukrayn.
Weeraradan isdaba jooga ah ayaa kusoo beegmaya iyadoo dhawaan uu madaxwayanaha Ruushku ku dhawaaqay xabad-joojin sadex maalmood ah, taas oo uu ugu dabaal dagayo waxa uu ugu yeeray guushii uu kasoo hooyay dagaalkii labaad ee Adduunka.