Wararka ka imaanaya wadamada galbeedka Afrika ee ay ka hawlgalaan ciidamada mujaahidiinta ee Jamaacada Nuratul Islaam Wal-Musliin ayaa kusoo waramaya in hawlgallo ay mujaahidiintu fuliyeen lagu beegsaday qaar kamida ciidamadad dalalkaas, waxayna mujaahidiintu kusoo furteen qalab ciidan oo ay wateen askarta la beegsaday.
Dalka Maali oo kamida wadamada saaxilka Afrika waxaa shalay Talaadadii ka dhacay weerar qorshaysan oo lagu bartilmaameedsaday askar kolonyo ah oo rondo ka samaynayay inta u dhaxaysa deegaanada Nayuunu iyo Maarkaala ee kawada tirsan gobolka Siiquu ee dalkaas.
Inta la diwaan galiyay kamiinkan waxaa lagu dilay illaa 6 askari oo kasoo jeeda dalkaas, waxaana mujaahidiinta u suuragashay inay gacanta ku dhigaan hubkii ay ku qalabaysnaayee ciidamadaas. Hubka lagusoo furtay hawlgalkan waxaa kamid ahaa dhawr qori oo iskugu jira kuwa darandooriga u dhaca iyo qoryo Ak-47 ah iyo illaa 8 mooto oo nooca laba lugooda ah.
Sawiro ay haabisay mu’assasada Az-Zallaaqah oo lagasoo qaaday goobta uu kamiinku ka dhacay ayaa lagusoo bandhigay hubkii dagaalkaas looga furtay ciidamada Maali, waxaa intaas dheeraa oo lasoo bandhigay aqoonsiyada qaar kamid ciidamada lagu laayay kamiinkan oo uu kujiray sarkaal kamida saraakiishii hogaaminayay askarta la beegsaday.
Dhanka kale, hawlgallo qaraxyo ah ayaa lagu beegsaday qaar kamida ciidamada dalka Burkiina-Faaso oo xuduud beenaad la leh dalka Maali, qaraxyadan oo dhacay maalinimadii Jimacaha ee isbucii hore ayaa lala beegsaday askar ku socdaalaysay duleedka tuulada Maarshayuu ee gobalka Diiduuqu.
Isla dalkaas waxay ciidamada mujaahidiinta ee Jamaacada Nusratul Islaam Wal-Musliin qaraxyo xooggan la beegsadeen kolonyo ciidamo ah oo marayay inta u dhaxaysa deegaanada Arbiinadaa iyo Quuraqaaji oo kawada tirsan gobalka Saaxil ee dalka Burkiina Faaso, qaraxyadan oo dhacay doraad Isniintii ayaa khasaare culus oo iskugu jira naf iyo maalba lagu gaarsiiyay ciidamada dalkaas.
Ciidamada mujaahiidiinta ee Jamaacada Nusratul Islaam Wal-Muslimiin ayaa wada dagaallo lafo jabis ah oo lagu dhiig-bixinayo askarta wadamada galbeedka Afrika, waxaana u dambeeyay dagaaladii cuslaa ee dhawaan lagu dilay ku dhawaad 70-ka askari ee kasoo jeeday dalka Burkiina-Faaso, kuwaas lagu beegsaday saldhigyo ciidan oo ay ku lahaayeen gobalada Waahiiquwaya iyo Diiduuqu ee dhaca dalkaas.