Friday, May 2, 2025
HomeAll NewsMaleeshiyaadka Mustafa Cagjar oo Wiil Dhalinyaro ah ku Dilay Gobalka Doollo.

Maleeshiyaadka Mustafa Cagjar oo Wiil Dhalinyaro ah ku Dilay Gobalka Doollo.

Wali waxaa dhulka Soomaali-galbeed ee ku hoos jira gumeysiga dowladda Xabashida Itoobiya ka soconaya, dilalka iyo tacadiyaadka ay ku kacayaan ciidanka Itoobiyaanka iyo kuwa maamulka Mustafa Cagjar ee ka dhanka ah dadka raydidka ah.

Wararka laga helay deegaan katirsan gobalka Doollo ayaa ku waramaya, in saacadihii lasoo dhaafay ay ciidanka maamulka Xabashida ku daaban dil u geysteen wiil dhalinyaro ah oo kamid ah dadka deegaanka.

Dilka ayaa waxa uu si gaar ah uga dhacay deegaanka Ceeley ee hoostaga mandiqadda Caado oo katirsan gobaalka Doollo ee dhulka Soomaali-galbeed. Wiilka dhalinyarada ah ee ay ciidanku dileen ayaa lagu magacaabaa Cabdi Yare, waxaana lasoo sheegayaa in askartu ay si bareer ah utoogteen wiilkaas.

Tani ayaa ku biireysa tacadiyaadka joogtada ah ee mudooyinkii lasoo dhaafay kusii kordhayay dhulka Soomaali-galbeed ee ay gumeysato Itoobiya, waxayna kusoo aadeysaa iyadoo dhawaan xabsi ku yaalla magaalada Jigjiga ay askartaan ku dileen tiro dhalinyaro ah.

Halkaan ka Degso Warka Dilka Soomaali-galbeed

RELATED ARTICLES

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

Most Popular

Recent Comments

Xaatim mukhtar faarx on HAMBALYO: RAMADAAN MUBAARAK.