Maamulka Aala-Sucuud ayaa markale xukun dil ah ku fuliyay dhalinyaro Soomaali ah oo ku jira xabsiyada uu gacanta ku hayo maamulkaas.
Dhalinyaradaan oo kor u dhaafaya 40 ruux ayaa waxa ay ku xiran yihiin xabsi ku yaalla dalka Sucuudiga, waxaana dhawaan midkood xukun daldaal ah ku fuliyay maamulka Aala-Sucuud.
Saacadihii lasoo dhaafay waxa uu markale maamulka Ala-Sucuud xukun dil ah ku fuliyay 2 kamid ah dhalinyaradaan oo ay tiradoodu guud aheyd 45 ruux, waxaana hadda xabsiga ku haray 42 dhalinyaro ah.
Dhalinyaradaan oo markale saxaafadda la hadlay ayaa waxa ay sheegeen, in ay si joogta ah ula kulmayaan handadaad la xiriirta in lawada leyn doono oo ay dil ku xukuman yihiin.
Mid kamid ah ragaas xiran ayaa ka warbixiyay dilka cusub ee lagu fuliyay labada ruux, waxa uuna intaas ku daray in hadda ay sugayaan oo kaliya in lawada laayo, Dowladda Fedaraalka aysan waxba ka qaban arintooda.