Monday, May 5, 2025
HomeUncategorizedDagaal Lagu Dilay Ciidamo Katirsan Dowladda Kenya oo ka Dhacay Gobalka Lamu.

Dagaal Lagu Dilay Ciidamo Katirsan Dowladda Kenya oo ka Dhacay Gobalka Lamu.

Dagaal culus oo u dhexeeyay ciidamada Xarakada Mujaahidiinta Al-Shabaab iyo kuwa Dowladda Kenya ayaa waxa uu ka dhacay, qeybo kamid ah gobalka Lamu ee ku hoos jira gumeysiga Kenya.

Dagaalka ayaa waxa uu si gaar ah kaga dhacay dhacay, inta u dhaxeysa deegaannada Boodaay iyo Boorisa oo kawada tirsan gobalka Lamu ee ay gumeysato Kenya.

Khasaare isugu jira dhimasho iyo dhaawac ayaa lasoo warinayaa in ciidamada Kenya lagu gaarsiiyay dagaalka ka dhacay gobalka Lamu.

Inta la xaqiijiyay 5 askari ayaa xukuumadda Nairobi looga dilay dagaalkaan, halka looga dhaawacay 8 kale.

Saacadihii lasoo dhaafay ayay aheyd markii qarax ka dhacay magaalada Mandheera ee dhulka NFD lagu dilay 6 askari oo Keenyaan ah, kuwaas oo 2 kamid ah ay ahaayeen saraakiil Miino baarayaal ah, halka lagu dhaawacay 9 kale.

RELATED ARTICLES

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

Most Popular

Recent Comments

Xaatim mukhtar faarx on HAMBALYO: RAMADAAN MUBAARAK.