Sunday, May 4, 2025
HomeAll NewsKulan ay Yeelan Lahaayeen Baarlamaanka Dolwadda Fedaraalka oo Maanta Baaqday.

Kulan ay Yeelan Lahaayeen Baarlamaanka Dolwadda Fedaraalka oo Maanta Baaqday.

Kulan ay umadalsanaayeen Xildhibaannada Dowladda Fedaraalka ayaa lasoo warinayaa inuu maanta baaqday, iyadoo arbacadii lasoo dhaafay uu dhacay kulan uu hareeyay buuq iyo gacan ka hadal oo dhexmaray Xildhibaannada.

Farriin sheegeysa baaqashada kulanka baarlamaanka ayaa loo diray xildhibaannada, iyadoo ay tani kusoo aadeyso xilli qaar kamid ah xildhibaannada horay looga mamnuucay iney soo xaadiraan fadhiyada Baarlamaanka.

Sidoo kale arrintaan ayaa kusoo beegmeysa iyadoo Aadan Madoobe oo ah gudoomiyaha Baarlamaanka Dowladda Fedaraalka uu ku maqan yahay dalka Al-jeeriya, halkaas oo uu uga qeyb galayo shir ay yeelanayaan baarlamaannada Carabta.

Halkaan ka Degso Warka Baaqashada Kulanka

RELATED ARTICLES

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

Most Popular

Recent Comments

Xaatim mukhtar faarx on HAMBALYO: RAMADAAN MUBAARAK.