Xildhibaanno katirsan Congress-ka Mareykanka ayaa ku baaqay in Washington ay gabi ahaanba joojiso dhaqaalaha ay ku bixiso duullaanka ciidamada Shisheeye ee AUSSOM, iyagoona sheegay iney wadaan qaraar lagu dardar galinayo arrintaas.a
Saddax kamid ah Sanatarada Baarlamaanka Dawladda Mareykanka yaa diyaariyaay, qaraar looga soo horjeedo taageerada duullaanka Midowga Afrika ee Soomaaliya magaciisana loosoo gaabiyo AUSSOM.
Mid kamid ah Sanataradaan oo warbahinta Mareykanka lahadlay ayaa waxa uu sheegey, in ay doonayaan dhowritaanka canshuraha laga qaado dadka Ameerikaanka ah.
Waxa ay sidoo kale ku baaqeen in lala xisaabtamo Qaramada Midoobey iyo Midowga Afrika, oo aan iyagu bixinin wax lacag oo lagu maalgaliyo duullaanka ay ka wadaan Soomaaliya.
Sadaxdaan sanatar ayaa wax ay shegeen in aysan marnaba ogolaan doonin bixinta lacago aan la iskula xisaabtameynin, iyagoona ka dhawaajiyay in duullaanka Soomaaliya uusan wax dan ah ugu jirin dadka Ameerikaanka ah ee lacagaha laga qaado.
Halkaan ka Degso Warka Mareykanka