Tuesday, July 8, 2025
HomeAll NewsYahuudda oo Duqeymo Khasaare Dhaliyay ka Fulisay Marinka Qazzqa.

Yahuudda oo Duqeymo Khasaare Dhaliyay ka Fulisay Marinka Qazzqa.

Gumaystaha Yahuudda ayaa xusuuqyo iyo majaazir ay dad aad u farabadan shuhado iyo dhaawac ku noqdeen ka geystay marinka go’doonsan ee Qazza saacadihii lasoo dhaafay, xilli uu xoogga saaraya burburinta ilaha cuntada ee marinka Qazza, si wixii ka hara xasuuqiisa ay gaajo darteed ugu geeriyoodaan.

Wararka maanta inaga soo gaaraya marinka Qazza ayaana ku waramaya, in 17 qof oo rayid ah oo ay ku jireen 3 caruur ah ay ku shahiideen weerar cirka ah oo subaxnimadii hore ee maanta oo Sabti ah ay diyaaraha Yahuudda la beegsadeen magaalada Khaan Yuunis ee koonfurta marinka Qazza,.

Isla magaalada Khaan Yuunis, afar qof oo rayid ah ayaa ku shahiiday, duqeyn kale oo ay Yahuudda ku qaaday deegaanka Badhnu-Samiin ee bartamaha magaaladaasi.

Sidoo kale tiro rayid ah  oo aan la shaacinin cadadkooda inta uu yahay ayaa ku shahiiday duqeymo ay diyaaraha cadawga Yahuudda ku qaadeen qoys Falastiini ah oo degan xerada Jabaaliya ee waqooyiga marinka Qazza.

Wararka ayaa intaasi ku darayo, in sadex qof ay ku shahiideen duqeymo dhanka cirka ah oo Yahuudda la beegsatay dad rayid ah oo ku sugnaa xerada qaxootiga ee Al-Bureej ee bartamaha marinka Qazza.

Duhurnimadii Jimcihii, diyaarad aan duuliyaha lahayn oo ay leedahay Sahaayinada ayaa beegsatay xarun lagu qaybiyo cunto bilaash ah oo ku taalla xaafadda Sheekh Ridwaan ee waqooyiga magaalada Qazza, waxaana halkaasi ku shahiiday lix qof oo shacab ah, halka qaar kalena ay ku dhaawacmeen, sida laga soo xigtay ilo dhanka caafimaadka ah.

Arintan ayaa waxaa ka horeeyey shahiidka shan qof, kadib markii ay Yahuuddu weerar dhanka cirka ah la beegsatay guri ay tacziya ka jirtay oo ku yaalla magaalada Bayt Lahiya ee waqooyiga marinka Qazza.

Sidoo kale, Subaxnimadii Jimcaha, diyaaradaha dagaalka ee Yahuudda ayaa weerar xagga cirka ah ku qaaday guri ku yaalla xerada qaxootiga ee Al-Bureej ee bartamaha marinka Qazza, halkaas oo ay ku shahiideen 7 qof oo isku qoys ahaa, sida laga soo xigtay ilo dhanka caafimaadka ah oo ku sugan halkaas.

Tani waxay ka dhigeysaa tirada dadka ku shahiiday marinka Qazza tan iyo waaberigii shalay oo Jimce ahayd in ka badan 50 qof oo u badnaa haween iyo caruur aan waxba galabsanin, kuwaas oo ku baxay gacanta maamulka Yahuudda ee uu majaraha u haayo mujrimka lagu magacaabo Binyimiin Natanyaahu.

Xaaladahaan murugada badan ayaa imaanaysa, iyadoo Xafiiska Warbaahinta ee maamulka marinka Qazza uu sheegay, in gumaystaha ay si qorshaysan u burburinayaan ilaha cuntada ee marinka, iyagoo beegsanayo foornooyinka rootiga, xarumaha gargaarka, hay’adaha samafalka, beeraha, ceelasha biyaha, iyo dukaamada raashinka, taas oo qayb ka ah siyaasadaha looga gol-leeyahay in dad reer Falastiin ay si wadar ah gaajo darteed ugu geeriyoodaan.

Tan iyo 2-dii bishii Maarso, Yahuudda ayaa xirtay dhamaan marinnadii ay xayndaabka Qazza kasoo gali lahaayeen cuntada, gargaarka, dawooyinka iyo badeecadaha, taasoo keentay inay si weyn uga sii darto xaaladda bini’aadantinimo ee ka jirtay halkaas, iyadoo go’doominta ka sakowna ay Yahuuddu bartilmaameedsanayso kaabayaasha fara ku tiriska ah ee ka haray duqeymaheeda wuxuushnimada ah.

RELATED ARTICLES

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

Most Popular

Recent Comments

Xaatim mukhtar faarx on HAMBALYO: RAMADAAN MUBAARAK.