Sunday, May 4, 2025
HomeAll NewsMaamulka Trump oo Shaqa Joojin ku Sambeynaya 1200 oo Kamid ah Shaqaalaha...

Maamulka Trump oo Shaqa Joojin ku Sambeynaya 1200 oo Kamid ah Shaqaalaha CIA-da Mareykanka.

Wararka ka imaanaya dhanka Maraykanka ayaa sheegaya, in maamulka madaxwaynaha dalkaas ee Doonal Taraam uu damacsan yahay shaqo ka cayrinta in kabadan Kun xubnood oo katirsan shaqaalaha hay’adda CIA ee ka tirsan laamaha sirdoonka Maraykanka, isaga oo sidoo kale ku hanjabay inuu shaqo ka fariisin ku samayn doono kumaan kale oo ka tirsan hay’adaha sirdoonka ee dalkaas.

Wargayska Washitoon Bost oo soo xiganaya illo xog ogaal ah oo arrintan la xiriira ayaa tilmaamay in Taraam  uu dhawaan ku wargeliyay golohiisa inuu hoos u dhigi doono shaqaalaha hay’adda CIA-da, isaga oo sheegay inuu khadka ka saari doono  illaa 1,200 oo shaqaale oo ka tirsan hay’addan.

Hay’adaha uu sida gaarka ah u beegsanayo madaxwaynaha Maraykanka ayaa waxaa kamid ah Hay’adda Ammaanka ee Maraykanka oo ah laan sir ah oo aysan dadka inta badna a qoonin, kuwaas oo ku takhasusay xog-ururinta iyo daba galka xogaha shabakadaha Intarneedka ee caalamka.

Ilahan ayaa tilmaamay in habka dhimista shaqaalaha loo fulin doono si dagdag ah, iyada oo la dhimayo shaqaaleysiinta, waxaana sidoo kale ka mid noqon doona dhowr boqol oo shaqaale ah oo horay u cod saday hawgabnimo ay kaga fariisanayaan shaqada.

Arrintan ayaa kordhisay walaaca ay mas’uuliyiinta dalkaas ka muujiyeen shaqo ka joojinta xubnaha sirdoonka, taas oo kor u qaaday cabsida ay ka qabaan in la kashifo siraha dawladda, iyada oo laga cabsi qabo in basaasiinta dawladaha Ruushka iyo Shiinuhu ay ka faa’idaystaan arrintan.

Qorshan shaqo ka cayrinta ayaa soo socday tan iyo markii uu Doonal Taaram uu la wareegay madaxtunimada dalka Maraykanka, wuxuuna sidan oo kale xil ka qaadis iyo mushahar dhimis ugu sameeyay kumanaan ka tirsan hawlwadeenada ka shaqeeya xafiisyada dawladda, taas oo dhalisay inuu mucaaradad aad u wayn kala kulmo bulshada Ameerikaanka ah.

 

RELATED ARTICLES

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

Most Popular

Recent Comments

Xaatim mukhtar faarx on HAMBALYO: RAMADAAN MUBAARAK.