Sunday, May 4, 2025
HomeAll NewsQamcinta ay Geysanayaan Boliska Kenya oo Dood Badan ka Dhex-dhalisay Gudaha Dalkaas.

Qamcinta ay Geysanayaan Boliska Kenya oo Dood Badan ka Dhex-dhalisay Gudaha Dalkaas.[WARBIXIN]

Bishii Juun ee 2024-kii, Keenya ayaa la kulantay mid ka mid ah xilliyadii ugu dhiig daadinta badnaa taariikhdeeda dhow, kolkaas oo dhowr qof oo ka soo horjeeday sharciga maaliyadda lagu dilay mudaaharaadyo ka dhacay caasimadda dalkaas ee Nayroobi.

Dhacdadan oo ka dhacday bannaanka hore ee xarunta golaha baarlamaanka oo ay ka socotay dood ku saabsan hindise sharciyeedka maaliyadda ayaa noqotay mid naxdin leh, kaddib markii ciidamada ammaanka ay rasaas ku fureen dad aan hubeysneyn oo mudaaharaadayay, taasoo caro xooggan ka dhalisay guud ahaan dalkaas iyo caalamkaba.

Warbixin baaritaan ah oo uu kanaalk BBC-da ee Keenya soo saaray ayaa daaha ka qaaday tafaasiil faahfaahsan oo ku saabsan dhacdadan, taasoo keentay in su’aalo la iska weydiiyo masiirka caddaaladda ee Keenya.

27-kii Abriil, 2024-kii, ayaa kanaalkani waxa uu sii dayay dukumintari uu ugu magacdaray “Baarlamaanka Dhiiga,” kaas oo lagu falanqeeyay in ka badan 5 Kun  oo isugu jiro sawirro iyo muuqaallo laga qaaday intii ay socdeen mudaaharaadyada Keenya.

Dukumintarigan ayaa muujinayay sida ciidamada ammaanka oo ay ku jiraan kuwa difaaca Keenya ay mas’uul kaga ahaayeen dhimashada dad badan oo dibadbaxayaal ahaa.

Dadkaas waxaa ka mid ahaa Iriik Shiyini, oo ahaa arday dhaqaalaha wax ka baranayay oo madaxa laga toogtay xilli uu ka soo baxayay xarunta baarlamaanka ee Keenya.

Si la mid ah dhibanayaasha kale, Iriik markii la dilayay ma wadan wax hub ah, waana xaqiiqo uu baaris ku sameeyay kanaalkan, kaas oo ay ku jireen muuqaalo gaar ah oo laga duubay askartii rasaasta furaysay.

Halkaan ka Degso Warbixinta Kenya

RELATED ARTICLES

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

Most Popular

Recent Comments

Xaatim mukhtar faarx on HAMBALYO: RAMADAAN MUBAARAK.