Ciidamada Xarakada Mujaahidiinta Al-Shabaab ayaa waxa ay maanta weeraro qaraxyo ah ka fuliyeen, duleedyada magaalooyinka Muqdisho iyo afgooye oo katirsan gobalka Sh-hoose.
Haddaan ku horreyno duleedka Muqdisho, waxay guutooyinka qaraxyada ee Xarakada Mujaahidiinta Al-Shabaab Al-Shabaab weerar qarax ah la beegsadeen, gaari ay la socdeen askar katirsan Sirdoonka Dowladda Fedaraalka.
Gaari oo ahaa Cabdi Bile ayaa waxa uu qaraxu ku haleelay deegaanka Tareedisho ee duleedka magaalada Muqdisho, waxaana ka dhashay waxyeello kala duwan.
Qarax ayaa burburiyay gaariga, waxaana halkaasi ku dhaawacmay 3 askari oo katirsan Sirdoonka Dowladda Fedaraalka.
Qaraxa kale ayaa ka dhacay duleedka degmada Afgooye ee gobolka Sh/Hoose, waxaana ku dhaawacmay 1 askari.