Xildhibaanno katirsan Dowladda Mareykanka uhanjabay Dowladda Fedaraalka iyagoo usheegay iney ka laabato go’aan ay dhawaan soo saartay oo ay ku diiday baasaboorka Taiwan.
Labo Xildhibaan oo katirsan Baarlamaank Mareykanka ayaa warqad diray safiirka wadankaasi ufadhiya Dowladda Fedaraalka, waxayna usheegeen iney cawaaqib xumo ka dhaxli karaan haddii ay ka laaban waayaan go’aanka ay ku diideen baasaboorka Taiwan.
Xildhibaanada ayaa warqadda ay usoo direen safiirka waxaa ku qornaa hadal hanjabaad ah oo udhignaa sida tan: “Haddii Dowladda Soomaaliya ku adkeysato in ay u dhaqanto sidii laan kamid ah Xisbiga Shuuciga ah ee Shiinaha ma jirto sabab Mareykanku u aqoonsanaado” ayaa lagu yiri qoraalka loo direy safiirka.