Cabdullaahi Cumar Abshirow oo ah Gudoomiye ku xigeenka labaad ee Baarlamaanka Fedaraalka ayaa soo saaray warqad fasax usiineysa iney kulmada kasoo qeyb galaan, xildhibaano uu dhawaan Aadan Madoobe oo ah Gudmooyaha Baarlamaanka Fedaraaalka ka hakiyay iney kasoo yimaadaan fadhiyada golaha.
Warqaddan ka duwan tii Aadan Madoobe oo burineysa go’aankii uu qaatay, ayaa soo baxday xilli Aadan Madoobe uu ku maqan yahay dalka dibaddiisa, waxayna tusineysaa is barbaryaac iyo inuu jiro khilaaf ka dhaxeeya hogaanka Baarlamaanka Fedaraalka.
Sido kale warqaddii Aadan Madoobe uu xildhibaanada uga hakiyay kasoo qeyb galka kulmada waxaa ku xusneyd in sababo amni dartooda looga joojiyay, balse warqadda dambe kuma cadda in sababahaasi ay meesha ka baxdeen iyo in kale.
Waayihiin udambeeyay waxaa sii xoogeysanayay khilaafka ka dhaxeeya gudoomiyaha Baaralamaanka iyo xildhibaanada mucaaradsan sida uu wax uwado.
Halkaan ka Degso Warka Baarlamaanka