Monday, May 5, 2025
HomeAll NewsDowladda Ugandha oo Xirtay Mid Kamid ah Hogaamiyayaasha Mucaaradka ee Dalkaas.

Dowladda Ugandha oo Xirtay Mid Kamid ah Hogaamiyayaasha Mucaaradka ee Dalkaas.

Muhoozi Kainerugaba oo ah Taliyaha guud ee ciidamada Uganda, sidoo kalana ah wiil uu dhalay Baadariga maamula dalkaas ee Yoweri Museveni, ayaa waxa uu markii ugu horreysay shaaca ka qaaday masiirka mid kamid ah hogaamiyayaasha mucaaradka ee Uganda, kaas oo la la’aa maalmihii lasoo dhaafay.

Waxa uu xaqiijiyay in hogaamiyahaas oo lagu magacaabo Eddie Mutwe uu ku xiran yahay hoygiisa, isagoo ku eedeeyay in horraan uu ugu hanjabay inuu awood u adeegsan doono.

Xisbiga uu hogaamiyaha u yahay ninkaan la xiray, ayaa wax ay kol sii horreysay sheegeen in kooxo hubeysan ay afduubteen hogaamiyahooda, aysanna ogeyn halka jaan iyo cirib lala aaday.

Boliska Dowladda Uganda ayaa waxa ay dhankooda horay u sheegeen, in Mutwe aysan iyagu xirin islamarkaana uusan ku jirin xabsiyada Boliska ee dalka Uganda.

Wararka ayaa intaasi ku daraya, in taliyaha guud ee ciidamada Uganda uu hanjabaad u diray hogaamiyayaal kale oo mucaarad ah, kuwaas oo uu ku wargaliyay iney kusoo xigaan kan uu xiray, isagoona intaa ku daray in uusan sii deyn doonin illaa uu soo baxo amar madaxweyne.

Xubnaha mucaaradka iyo taageerayaashooda ayaa waxa ay Dowladda Uganda ka cosadeen iney ka hadasho tallaabadaan uu qaaday taliyaha guud ee ciidamada dalkaas, balse illaa iyo hadda majiro wax war ah oo kasoo baxay afhayeennada xukuumadda, ciidanka iyo boliska ee dalka Uganda oo ku aaddan dalabkaas.

Xukuumadda Kampala ayaa marar badan waxa ay xabsiga dhigtay hogaamiyayaal iyo xubno katirsan mucaaradkeeda, wiilka uu dhalay Yoweri Museveni ayaana waxa uu inta badan qaadaa tallaabooyin adag, isagoo horay ugu hanjabay inuu ku duuli doono dalalka Kenya iyo Suudaan oo xuduud la leh dalka Uganda.

Halkaan ka Degso Warka Uganda

RELATED ARTICLES

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

Most Popular

Recent Comments

Xaatim mukhtar faarx on HAMBALYO: RAMADAAN MUBAARAK.