Wednesday, July 2, 2025
HomeAll NewsGumaystaha Yahuudda oo Halkiisa Kasii Wado Duqeymaha ka Dhanka ah Marinka Qazza.

Gumaystaha Yahuudda oo Halkiisa Kasii Wado Duqeymaha ka Dhanka ah Marinka Qazza.

Ilo wareedyo ku sugan marinka go’doosan ee Qazza ayaa ku waramaya, in 4 qof ay ku shahiideen, halka tiro kalana ay ku dhaawacmeen, kadib duqeymo ay diyaaradaha cadawga Yahuudda la beegsadeen guri ku yaalla deegaanka Al-Mawaasi ee galbeedka magaalada Khaan Yuunis ee koonfurta marinka Qazza.

Sidoo kale magaalada Khaan Yuunis, ayaa waxaa ku shahiiday qof dumar ah, kuwa kalana waa ay ku dhaawacmeen, kadib duqeymo ay diyaaradaha Sahaayinada la eegteen guri ku yaalla xaafadda Al-Amal ee galbeedka magaaladaas.

Iyadoo intaasi lagu biirinayo, shahiidka hal Qof iyo dhaawaca qaar kale, kadib duqeyn uu gumaystaha Yahuuddu la beegsaday teendho ay ku noolyihiin dad barakacayaal ah oo ku taalla deegaanka Waadi-Saabir ee koonfurta magaalada Cabasaan al-Kabiirah, taas oo dhacda koonfur-bari ee Khaan Yunis.

Waqooyiga Marinka Qazza, waxaa lagu soo waramayaa, in labo qof oo rayad ah ay ku dhaawacmeen duqeyn ay diyaaradaha cadawga Yahuuddu ku qaadeen guri ku yaalla magaalada Jabaliya.

Xogaha ayaa intaasi ku darayo, in Saddex qof ay ku shahiideen duqayn ay Yahuudda la beegsatay guri ay deggan yihiin dad rayid ah oo ku yaalla magaalada Qazza.

Tirada dadka ku shahiiday duqeymaha gumaystaha Yahuudda tan iyo waaberigii shalay oo Sabti ahayd ayaa gaartay 45 qof, sida laga soo xigtay ilo dhanka caafimaadka ah oo ku sugan halkaas.

Marka laga soo tago dadka ku waxyeeloobay duqeymaha Yahuudda, waxaa sidoo kale sii kordhay tirada dadka ku dhintay macluusha baahsan ee ka jirta Marinka Qazza, taas oo gaartay dhimashada 57 qof oo u badnaa caruur, xilli baabuurta xamuulka qaada oo gargaar u sida reer Qazza ay ku baakamanyihiin koonfurta magaalada Cariish ee dalka Masar, sida ay muujinayaan sawirro ay heshay warbaahinta Al-Jaziira, kuwaas oo ogalaansho ay kusoo galaan marinka Qazza  ka sugaya maamulka arxanka daran ee Yahuudda.

Dhinaca kale, ilo wareedyo ka tirsan Yahuudda ayaa tibaaxay, in laba askari oo ka tirsanaa ciidamada Yahuudda ay dhinteen, halka ugu yaraan afar kalena ay ku dhaawacmeen kadib markii ay miino kula qaraxday mid kamida godadka dhulka hoostiisa mara ee magaalada Rafax ee koonfurta marinka Qazza.

Ilo wareedyadaan ayaa tilmaamay, in labada askari ee halaagsamay ay ka tirsanaayeen mid kamida guutooyinka Yahuudda ee loo tababaray baadigoobka iyo burburinta godad mara dhulka hoostiisa, iyadoo tirada dhimashada iyo dhaawaca uu ka badan karo inta la shaaciyay, maadaama uu qaraxu ka dhacay gudaha godka hoostiisa, halkaas oo ay aad u yartahay asbaabaha badbaadada.

Gumaystaha Yahuudda ee duulaanka ku qaaday marinka Qazza ayaa marwalba la kulmo weerarro toos ah, kamaa’inno iyo qaraxyo ay fulinayaan muqaawamada Falastiin, dagaaladaaas oo uu ku waayay boqolaal ka tirsanayd askartiisa tan iyo markii u bilaawday dagaalkii waynaa ee Duufaanta Al-Aqsaa.

RELATED ARTICLES

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

Most Popular

Recent Comments

Xaatim mukhtar faarx on HAMBALYO: RAMADAAN MUBAARAK.