Monday, May 5, 2025
HomeAll NewsAskari Katirsan Maamulka Koonfur-galbeed oo Haweeney ku Dilay Magaalada Beydhabo.

Askari Katirsan Maamulka Koonfur-galbeed oo Haweeney ku Dilay Magaalada Beydhabo.

Maalintii shalay waxaa magaalada Beydhabo ee xarunta gobalka Baay ka dhacay, dil uu askari katirsan maamulka la baxay Koonfur-galbeed ugeystay haweeney xaamilo aheyd.

Dilka ayaa waxa uu si gaar ah kaga dhacay xaafadda Sheebta oo ku taala dhanka koonfureed ee magaalada Beydhabo, illaa iyo haddana ma cada sababta uu askariga udilay haweeneyda.

Askariga dilka geystay ayaa katirsanaa ciidamada Boliska ee maamulka la baxay Koonfur-galbeed, waxaana xogaha qaar ay sheegayaan in rasaas uu si bareer ah ufuray ay ku geeriyootay haweeney kamid ah dadka ku dhaqan magaalada Beydhabo.

Halkaan ka Degso Warka Beydhabo

RELATED ARTICLES

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

Most Popular

Recent Comments

Xaatim mukhtar faarx on HAMBALYO: RAMADAAN MUBAARAK.