Cabdullaaahi Sheekh Xasan oo kamid ah siyaasiyiinta mucaaradka ayaa waxa uu si adag uga hadlay, hadal uu maalintii shalay sheegay gudoomiyaha degmada Kaaraan ee Dowladda Fedaraalka, kaas oo ku baaqay in la dhibaateeyo dadka kasoo horjeeda doorashooyinka.
Siyaasigaan ayaa waxa uu sheegay inuu kamid yahay siyaasiyiinta ku nool degmada Kaaraan, wax cabsi ahna aysan ku yeelan karin hanjabaadda uu jeediyay gudoomiyaha.
Waxa uu tilmaamay iney sugayaan tallaabada uu ku baaqay gudoomiyaha, uuna qaadan doono masuuliyadda wixii dhaca.