Tuesday, May 6, 2025
HomeAll NewsDhibaato Nuucee ah ayay Wajahayaan Suudaaniyiinta Qaxootiga ku ah Dalka Itoobiya.

Dhibaato Nuucee ah ayay Wajahayaan Suudaaniyiinta Qaxootiga ku ah Dalka Itoobiya.[WARBIXIN]

Laba sano kadib markii uu qarxay dagaalka u dhexeeya malatariga Suudaan  iyo xoogagga Taageerada degdega ah, kumanaan ka mid ah dadka reer Suudaan ayaa u barakacay dhanka Itoobiya, kuwaas oo dalkaasi ku wajahayo noolal xumo iyo xaalado aad u adag, iyagoo marna yididiilanaya inay dib ugu laabtaan dalkooda hooya, marna cabsi ka muujinaya mustaqbalkooda danbe.

Xogaha ayaana tibaaxaya, in qiyaastii tobanaan Kun oo Suudaaniyiin ah ay u hayaamay Itoobiya tan iyo markii uu dagaalku qarxay, kuwaas oo inta badan gaaray gobollada shanquul iyo Amhara, iyo weliba magaalada caasimadda ah ee Addis Ababa.

Barakacayaashan ayaa waxaa soo food saartay gabaabsi ba’an oo ka jira dhanka ilahii u suurta galin lahaa inay dib ugu laabtaan dalkooda, sida kharashaadka gaadiidka iyo inaysan awoodin dib u dayactirka ​​guryahoodii la burburiyay ama la dhacay.

Diktoor Haashim Cali Xaamid oo ku takhasusay arrimaha Suudaan ayaa warbaahinta u sheegay, in dadka barakacayaasha ah ee ku nool dalalka dariska la ah Suudaan ay la kulmayaan dhibaatooyin badan oo ay ugu horreeyaan guryeynta, qarashka nolosha iyo isdhexgalka oo aad ugu adag maadaama aysan aqoon u lahayn luqadda iyo dhaqanka dalalkaas.

Cali Xaamid ayaa intaasi ku daray, in dadka Suudaaniyiinta ah ee u barakacay Itoobiya ay dhammaan kaydkoodii hantiyadeed ku bixiyeen guryaha, kharashaadka nolosha iyo kharashaadka cusboonaysiinta fiisaha, oo bishiiba hal mar la cusboonaysiiyo, ayna taas ka dhigaysa fikradda ah inay dib ugu noqdaan goobaha ay malatigara Suudaan la wareegeen mid aad u adag.

Barakacayaasha ayaa ka cabanaya la’aanta waddo cad oo u sahasha inay dib ugu laabtaan dalkooda Suudaan, maadaama isku daygooda ay caqabad ku yihiin nidaamka xuduudaha oo adag, shuruudo adag oo sharci ah oo la xiriira degenaanshaha, iyo arimo kale oo caqad ku ah inay dalkooda gaaraan iyagoo bad qabo.

Maxamed Haashim Kambaal, oo ka soo barakacay magaalada Khartuum ayaa sheegay, in tan iyo markii uu u qaxay Itoobiya uu la kulmay dhibaatooyin aad u weyn, uuna maalmo badan noolashiisa ku qaatay masaajidda iyo waddooyinka maadaama usan haysanin hooy rasmi ah uu dego. Waxa uu xusay Maxamed, in isku duubnida shacabka reer Suudaan ay si weyn uga caawisay in uu daboolo baahidiisa.

Halkaan ka Degso Warbixinta Qaxootiga Suudaaniyiinta ah

RELATED ARTICLES

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

Most Popular

Recent Comments

Xaatim mukhtar faarx on HAMBALYO: RAMADAAN MUBAARAK.