Tuesday, May 6, 2025
HomeUncategorizedXildhibaan ka Hadlay Jabkii Ciidamada Dowladda Fedaraalka ku Gaaray Aadan-Yabaal.

Xildhibaan ka Hadlay Jabkii Ciidamada Dowladda Fedaraalka ku Gaaray Aadan-Yabaal.

C/razaaq Cabdullaahi Ciid oo ah xildhibaan katirsan Dowladda Fedaraalka, ayaa qiray in ciidanka Dowladda Fedaraalka si daran ugu jabeen dagaalkii ka dhacay degmada Aadan Yabaal, wuxuuna sheegay iney jabka ciidankooda ugu wacan tahay is qabqabsiga siyaasadeed ee ka dhaxeeya, Dowaldda Fedaraalkuna awoodi waysay iney ugurmato.

Wuxuu dhanka kale ka hadlay xaaladda siyaasadeed iyo heerka uu gaarsiisan yahay khilaafka ka dhexjiray Dowladda Fedaraalka gudaheeda, wuxuuna cadeeyay in aysan ka maarmi doonin iney gacmaha iskula tagaan.

Kadib dagaalkii cuslaa ee ka dhacay degmada Aadan Yabaal, waxaa maalinba maalinta ka dambeysa isa soo taraya mas’uuliyiinta katirsan Dowladda Fedaraalka ee ka hadlaya, jabkii askartooda ku gaaray magaaladaasi.

Halkaan ka Degso Warka Xildhibaan Ciid

 

RELATED ARTICLES

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

Most Popular

Recent Comments

Xaatim mukhtar faarx on HAMBALYO: RAMADAAN MUBAARAK.