Tuesday, May 6, 2025
HomeAll NewsWasiirka Arrimaha Dibadda ee Yahuudda oo Tagay Adis Ababa Lana Kulmay Abiy...

Wasiirka Arrimaha Dibadda ee Yahuudda oo Tagay Adis Ababa Lana Kulmay Abiy Axmed.

Wasiirka arrimaha dibadda ee maamulka Yahuudda ayaa shalay Isniintii booqasho rasmi ah ugu ambabaxay dalka Itoobiya, kaas oo u  jeeddadiisu tahay sidii loo xoojin lahaa xiriirka ka dhaxeeya labada maamul.

Wasaaradda arrimaha dibadda ee Yahuudda ayaa bayaan ay soo saartay ku sheegtay, in socdaalkan uu ujeedkiisu yahay in labada maamul ay kala saxiixdaan heshiisyo istaraatiiji ah oo ku qotoma danaha gobalka geeska Afrika, booqashadan ayaana imaanaysa laba bilood un kaddib markii uu sidaan oo kale booqasho ku tagay isla dalkaas.

Booqashadan ayaa waxaa sidoo kale wasiirka arrimaha dibadda Yahuudda ku wehlinaya wefti ganacsi oo ay ka mid yihiin mas’uuliyiin ka socda shirkado ay leeyihiin dadka Yahuudda ah, kuwaas oo doonaya inay mashaariic kala duwan ka fuliyaan dalkaas, si ay tawaajud xooggan oo dhanka dhaqaalaha ah ugu yeeshaan dalkan dariska la ah Soomaaliya.

War-saxaafadeedka kasoo baxay wasaarada ayaa lagu xaqiijiyay in shirkadahani ay ka shaqeeyaan qaybo ay ka mid yihiin warshadaha beeraha, biyaha iyo tignoolajiyada, cimilada, tamarta la cusboonaysiin karo, tignoolajiyada caadiga ah, daryeelka caafimaadka iyo wax soo saarka dalka, taas oo ka dhigaysa in inta badan illaha dhaqaale ee Itoobiya ay hoos tagi doonaan maamulka Yahuudda.

Wakaaladda Anaadool ee kasoo baxda dalka Turkiga oo soo xiganaysa mas’uuliyiin ka tirsan labada dhinac ayaa sheegtay, in socdaalkan uu wasiirka Yahuuddu ku tagay Itoobiya uu sidoo kale uga gol leeyahay in lagu cadaadiyo dawladda Masar, sidii ay u qabali lahayd arrinta Biyo-xireenka ee An-Nahda oo dood xooggan ka dhex dhaliyay dawladaha Masar iyo Itoobiya.

Booqashadan ayaa sidoo kale salka ku haysa isku day ay Yahuuddu ku doonayso inay xarumo milatari uga samaysato gudaha Itoobiya.

Fadhigan ayaaana la saadaalinayaan in mas’uuliyiinta labada maamul ay ugaga wada hadli doonaan suurtagalnimada in Yahuuddu ay saldhigyada militari ka samaysato agagaarka biyo xireenka An-Nahda, si ay uga hortagaan weerar kasta oo ka dhan ah danaha Itoobiya ee gobalka.

Itoobiya ayaa xiriir soo jireen ah la leh Yahuudda, iyada oo ay Sahaayinadu garab istaag buuxa u muujisay Addis-Ababa kaddib khilaafka xooggan ee soo kala dhex galay dalalka Itoobiya, Masar iyo  Suudaan, kuwaas oo salka ku haya biyo xireenka An-Nahda. Maamulka Addis-Ababa ayaana lagu sheegaa inuu yahay wakiilka Yahuudda ee geeska Afrika.

RELATED ARTICLES

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

Most Popular

Recent Comments

Xaatim mukhtar faarx on HAMBALYO: RAMADAAN MUBAARAK.