Tuesday, May 6, 2025
HomeAll NewsCiidamada Ukraine oo Weerar Cusub ku Qaaday Gobalka Kursk oo ka Tirsan...

Ciidamada Ukraine oo Weerar Cusub ku Qaaday Gobalka Kursk oo ka Tirsan Ruushka.

Militariga dawladda Yukrayn ayaa weerar ku qaaday gobolka Kurusk ee galbeedka Ruushka, iyaga oo adeegsanaya baabuurta gaashaaman ee dagaalka, duulaankan cusub ayay hogaanka dalkaas ku sheegeen inay ku doonayaa dib u qabsashada gobalkan istaraatiijiga ah ee dhaca xuduudka labada dal ay wadaagaan, iyadoo maalmahan dambe ay xoogaysteen weerarada ay Kiyeef ku hayso magaalada caasimada ah ee Moskoo.

Warbaahiinta Ruushka ayaa kusoo waramaysa, in ciidamada dalkaas ay ka hortageen isku day ay militariga Yukaryn ku doonayeen inay kusoo galaan gobalka Kurusk, iyadoo xadka ay labada dal wadaagaan uu ka dhacay dagaal culus oo la isku adeegsaday hubka noocyadiis kala duwan, mas’uuliyiin ka tirsan ciidamada Ruushka oo la hadlay warbaahinta ayaana sheegtay, inay dagaalada halkaas ka dhacay ay ku jabiyeen ciidamada Yukrayn.

Dhanka kale, taliska ciidamada Kiyeef ayaa shaaca ka qaaday weerar culus oo ay ku beegsadeen xarunta xakamaynta diyaaradaha aan duuliyaha lahayn ee Ruushka, taas oo ku taalla tuulada Tayuutkinoo ee gobalka Kurusk, ciidamadan ayaana wacad ku maray inay sii xoojin doonaan duulaanka ay ku hayaan gobalkan, iyada oo ay horay u shaaciyeen ciidamada Ruushku inay qabsadeen guud ahaan gobalka, in kastoo dhanka maamulka Kiyeef uusan kasoo bixin war ah oo ku saabsan qabsashada Kurusk.

Dhanka kale, ilo xog-ogaal ah ayaa daaha ka qaaday in Maraykanka iyo xulafadiisa NATO ay ka wada hadlayaan sidii Yukrayn loo siin lahaa habab dheeraad ah oo difaaca hawada ee loo yaqaano Batriot-ka, iyadoo ay sii kordhayso baahida ay ciidamada Yukrayn u qabaan adeegsiga hubkan, si ay uga hortagaan diyaaradaha aan duuliyaha lahayn ee Ruushka.

Arrintan ayaa timi kaddib kulan uu madaxwaynaha Maraykanka uu la qaatay dhigiisa Yukrayn Faladamiir Zalaniski, kaas oo uu ugu saxiixay in Kiyeef uu ku wareejin doono nidaamyo difaac cusub, Zilinizki ayaana dhankiisa tilmaamay in dalkiisu uu haatan haysto illaa 7 nidaam difaaceed, kuwaas oo qayb lixaad leh ka qaatay ka hortaga duulaanada Ruushka.

 

RELATED ARTICLES

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

Most Popular

Recent Comments

Xaatim mukhtar faarx on HAMBALYO: RAMADAAN MUBAARAK.