Wednesday, May 7, 2025
HomeAll NewsWilaayada Islaamiga ah ee Jubada-hoose oo ka Warbixisay Xaaladda Gobalka & Waxqabadkeeda.

Wilaayada Islaamiga ah ee Jubada-hoose oo ka Warbixisay Xaaladda Gobalka & Waxqabadkeeda.[WAREYSI]

Isagoo wareysi gaar ah siinayay Warbaahinta Islaamiga ah ee Al-Furqaan, ayuu Waaliga Wilaayada Islaamiga ah ee Jubada-hoose Sheekh Axmed Abuu Yuunis kaga hadlay, xaaladda guud ee wilaayada uu masuulka ka yahay iyo arrimo kale oo muhiim ah.

Muddo sanad ah oo laga joogo markii laba wilaayo laga kala dhigay goballada Jubooyinka, ayuu Sheekh Axmed Abuu Yuunis sheegay in tan iyo mudadaas ay wilaayadu uqabsoomeen arrimo badan oo muhiim ah, kuwaas oo uu qaarkood sharraxaad ka bixiyay.

Waxa uu ugu horreyn sheegay in ay wax badan ka qabteen arrimaha dacwada, ayna jowlaad ka sameeyeen degmooyin iyo deegaanno katirsan wilaayada, sidoo kalana ay xireen farihii biyaha fahadaadin jiray ee dhibaatada ku hayay beeraleyda, ayna dhiseen guri ay ku shaqeeyaan golaha ku dhaqanka Shareecada Islaamka ee Jubada-hoose.

Isagoo si gaar ah uga hadlayay jaanibka waxbarashada ayuu waaligu ka warbixiyay, madaaris, macaahid iyo maraakiz ay ka hirgaliyeen degmooyin iyo deegaanno katirsan wilaayada islaamiga ah ee Jubada-hoose.

Mar wax laga weydiiyay iney ka war hayaan dadka ku dhaqan goobaha ka baxsan gacanta wilaayada ayuu Sheekh Axmed Abuu Yuunis sheegay iney xaalkooda la socdaan, isagoo geesta kale ka warbixiyay sida uu roobka Guga uga da’ay degmooyinka iyo deegaannada gobalka.

Waaliga Jubada-hoose ayaa qeybaha kala duwan ee bulshada ku dhaqan wilaayada kula dardaarmay iney ku fara adeegaan nicmooyinka ay heystaan ee ay ugu horreyso ku dhaqan Shareecada Islaamka, waxaana wareysigaan uu kusoo aadayaa iyadoo mudooyinkii lasoo dhaafay ay wilaayadu ku tallaabsaneysi horumarro kala duwan.

Halkaan ka Degso Wareysiga Waaliga

RELATED ARTICLES

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

Most Popular

Recent Comments

Xaatim mukhtar faarx on HAMBALYO: RAMADAAN MUBAARAK.