Thursday, May 8, 2025
HomeAll NewsHalkee ayuu Shiinuhu ka Taagan Yahay Loollanka u Dhaxeeya Hindiya iyo Pakistan?

Halkee ayuu Shiinuhu ka Taagan Yahay Loollanka u Dhaxeeya Hindiya iyo Pakistan?[WARBIXIN]

Iyadoo ay hawada isku sii shareerayso xiisadda ka dhex aloosan dowladaha Hindiya iyo Bakistaan, ayuu Shiinuhu waxa uu isku arkaa inuu ku dhex sugan yahay xaalad adag, oo ku aaddan mawqifka rasmiga ah ee uu ka qaadan lahaa labadaan dowladood oo ay macquul tahay inuu ka dhex qarxo dagaal meelo badan lugaha la galo. Biijiin ayaana u sacyinayso sidii ay iskugu dheelli tiri lahayd taageeriddeeda Bakistaan oo dhinac ah iyo maaraynta cilaaqaadka qallafsan ee kala dhexeeya Hindiya oo dhinaca kale ah.

Shiinaha ayaana walaac ka muujiyay xiisadda u dhaxeysa Hindiya iyo Bakistaan, isaga oo muujiyay dhexdhexaadnimo iyo inuu usha dhexda ka qabanayo, kuna baaqay, in labada dowladood is xakameeyaan wadahadal-na ku xalliyaan khilaafaadka iyada oo la adeegsanayo wadatashiyo toos ah lagana fogaado xiisad militari.

Biijiin ayaa sidoo kale ku baaqday, in la sameeyo baaritaan dhexdhexaad ah lana joojiyo middi middi ku taagga, gaar ahaan marka la eego cabsida ay ka qabto in iska horimaad kasta oo dhexmara labada dowladood ee deriska ah ee ku hubeysan hubka Nukliyeerka uu halis gelinayo xasilloonida gobolka, maadaama ay labaduba xuduud la wadaagto.

Balse taaas cagsigeeda dadka u dhoondaloola arimaha siyaasadda ayaa aaminsan, in danaha istiraatijiyadeed ee Shiinaha ay muujinayaan, in uu u janjeera dhanka taageeridda Bakistaan, iyagoo tusaale usoo qaatay hadal uu Wasiirka arimaha dibadda ee Shiinaha ninka lagu magacaabo, Waangh Yii uu khadka taleefoonka ugu sheegay dhiggiisa Bakistaan, Isxaaq Daar, kaasoo ahaa, in Shiinaha uu Bakistaan u arko xaliif lagu kalsoonaan karo iyo saaxiib istaraatiijiyadeed oo dhinac walba ah.

Mas’uulkan Shiinayska ah oo hadalkiisa sii wata ayaana yiri “Shiinuhu wuxuu si buuxda uga warqabaa walaaca amni ee Islaama-Baad, wuxuuna ka taageerayaa ilaalinta madax-bannaanida iyo masaalixdeeda amni.”

Liin Miinwangh, oo ah agaasime ku xigeenka xarunta daraasaadka Koonfurta Aasiya ee Jaamacadda Fuudaan, ayaa hadalladda  wasiirka arrimaha dibadda ee Shiinaha ku tilmaamay, digniin ku wajahan dhinaca Hindiya, isagoo sheegay, in Shiinuhu uu dadaal ugu jiro ka hortago in Hindiya ay haymanaysato gobalka.

Marka laga soo tago hadalladaas, Shiinaha iyo Bakistaan ayaa wadaaga iskaashi istaraatiijiyadeed oo xooggan, oo ka muuqda Waddada Dhaqaalaha ee Shiinaha iyo Bakistaan ee loo soo gaabiyo (CPEC), taas oo qayb muhiima ka ah Hindisaha loogu yeero Xizaam wadhariiq, oo sii mara meelaha xasaasiga ah sida qaybta ay gobalka Kashmir ka maamusho Bakistaan, taasoo ka dhigaysa xasiloonida Bakistaan mudnaanta koowaad ee Shiinaha.

Halkaan ka Degso Warbixinta Shiinaha

RELATED ARTICLES

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

Most Popular

Recent Comments

Xaatim mukhtar faarx on HAMBALYO: RAMADAAN MUBAARAK.