Maxamed Cabdullaahi Farmaajo oo ah Madaxweynihii hore ee Dowladda Fedaraalka, ayaa warsaxaafadeed uu soo saaray waxa uu dhaliillo xooggan ugu jeediyay Xasan Sheekh.
Farmaajo ayaa sheegay in aan la aqbali karin habdhaqanka siyaasadeed ee uu iminka wax ku wado Madaxweynaha Dowladda Fedaraalka, kaas oo uu ku sifeeyay damac gurracan.
Waxa uu cambaaareeyay doorashada uu qabanayo Xasan Sheekh ee halka dhinac ah, taas oo uu ku sifeeyay mid aan sharci aheyn, isagoona Xasan uga digay in uu xaalad halis ah galiyo dalka.