Wararka ka imaanaya dhanka dawladaha Bakistaan iyo Hindiya ayaa kusoo waramaya in maanta Qarax uu sababay diyaarad lasoo riday uu ka dhacay magaalada Laahuur ee dhacda bariga dalka Bakistaan, waxaana ciidamada difaaca cirka ee dalkaas u suuragashay in ay soo ridaan diyaarad ah nooca aan duuliyaha lahayn oo laga leeyahay dalka Hindiya, sida ay sheegtay warbaahinta Islaama-Baad.
Telefiishanka Bakistaan ee Sama TV ayaa soo wariyay, in qaraxyo dhowr ah laga maqlay waddada Walton Hayweey oo ku taalla magaalada Laahuur, taas oo u dhow garoonka diyaaradaha ee Walton. Dad goob-joogayaal ah ayaa warbaahinta u sheegay inay arkeen uuro kasoo baxaysa halka ay qaraxyadu ka dhaceen.
Wararka ayaa intaas ku daraya in qaraxan uu ka dhashay soo rididda diyaarad aan duuliye lahayn, oo cabbirkeedu ahaa inta u dhexaysa 1.5 Mitir illaa 1.8 Mitir, taas oo ay dhulka soo dhigeen nidaamyada difaaca cirka ee Bakistaan. Kanaalka Sama TV oo soo xiganaya ilo xog ogaal ah ayaa sheegay, in diyaaradan aan duuliyaha lahayn loo adeegsan jiray basaasida goobaha xasaasiga ah.
Wakaaladda wararka ee Roytaris ayaa sheegtay, war ay kasoo xigatay maamulka garoomada diyaaradaha ee dalka Bakistaan, kaas oo ahaa in si ku meel gaar ah loo hakiyay howlihii duulimaad ee garoomada diyaaradaha ee magaalooyinka Karaaji, Laahuur iyo Siyaalkuut.
Dhanka kale, ra’iisul wasaaraha Bakistaan Shehbaaz Shariif ayaa shalay Arbacadii xaqiijiyay in dalkiisa uu xaq buuxa u leeyahay inuu ka jawaabo howlgalkan militari ee Hindiya ay kusoo qaaday dalkiisa. Wasaaradda arrimaha dibadda ee Bakistaan, ayaana dhankeeda bayaan ay soo saartay ku sheegtay, in hawlgalka milatari ee Hindiya uu yahay “fal dagaal oo cad” kaas oo khatar ku ah madaxbannaanida Bakistaan iyo xasilloonideeda.
Dagaalada ka dhex qarxay dalalka Bakitaan iyo Hindiya ayaa cirka iskusii shareeray, iyada oo agaasimaha guud ee garabka warbaahineed ee ciidanka Bakistaan, Axmed Shariif uu shaaca ka qaaday in tirada dadka ku dhintay weerarkii shalay ee ay Hindiya ka fulisay gudaha Bakistaan ay dhimashadu gaartay illaa 31 qof iyo dhaawaca 57 kale oo ahaa dad rayid ah.